|

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Oo Nabad Ku Soo Dabbaaliska Muqdisho Shuruud Ku Xidhay

Muqdisho:12-Feb-2014(SDN)-Wasiirka Amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonto amniga magaalada Muqdisho, xilli Xallay u dambaysay ay Kooxo ka Tirsan Alshabaab Gudaha  usoo Galeen Caasimadda, waxana uu intaas ku Daray in Haddii Taageerada Shacabka La Helo si Fudud wax walba loo qaban doono.

guluguWasiir Guuleed ayaa xusay inay Dawladda Ka Go’an tahay Sidii ay u Gudan Xilka Ka Saaran Dhinaca Ammaanka, “Amniga waxaan hortiina ka balan qaadaynaa inaan sugno oo aan xaqiijinno laakiin shacabka waa in laga helaa kalsooni iyo wada shaqeyn oo xidhiidhka u dhaxeeya bulshada iyo booliska la wanaajiyaa” ayuu yidhi Wasiir Guuleed.

 

Wasiirka ayaa Hadalkan ka Sheegay Xilli uu ka Hadlayey Kulan Lagaga Lagaga Arrinsanayey Kor u qaaddida Ammaanka Guud ahaan Somalia.

Hadalkan wasiirka ayaa  ku soo Beegmaya Xilli ay Xalay Fiidkii hore uun kooxo Alshabaab ka Tirsani Gudaha Muqdisho kula Dhex Dagaalameen Ciidanka Ammaanka, walina waxa ay Shacabku isweydiinayaan Sababta Keenaysa  Soo Noqnoqoshada Weerarada Kooxahani ku Hayaan Muqdisho.

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed