Wasiiradii Kismaayo booqday oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
Muqdisho Dec 29 2012 (SDN)—Iyadoo maalmahan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay socdaal ku joogeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa wasiiradaasi maanta waxa ay kusoo noqdeen magaalada Muqdisho.
Wasiirada oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay halkaasi kula hadleen saxaafadda iyagoo faah-faahin ka bixiyay socdaalkooda Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in kulamo ballaaran ay soo wada qaateen maamulka KMG ah ee Kismaayo ayna kawada hadleen arimo badan.
Wuxuu sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo maamulka KMG ah ee Kismaayo sida wanaagsan ee ay magaalada ugu soo dhaweeyeen iyo arimaha ay kawada hadleen.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay inay lasoo kulmeen qaar kamid ah waxgaradka Magaalada Kismaayo ayna kasoo wada hadleen arimaha maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.
Muddo labo cisho ah ayeey ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo ay kulamo kula soo qaateen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.
SDN-Muqdisho