Wasiiradda Caafimaadka iyo Madaxtooyada oo Burco soo gaadhay una Sii Jihaysan Degmada Qorilugud
Burco 20.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiiradda wasaaradaha Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye iyow Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa lagu soo waramayaa goor dhaweyd inay gaadheen magaaladda Burco.
Safarka labada wasiir war faahfaahsan lagama hayo, hase yeeshee wararka laga helayo ayaa sheegaya inay u sii dhaafi doonaan illaa degmadda Qorulugud, halkaas oo la filayo inay dhagax dhigi doonaan mashaariic Horumarineed oo loogu talogalay dadka Deegaanka.
Labada Wasiir oo ka kicitimay magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay inay ku sii hakadeen magaaladda Berbera, halkaas oo la filayey Xukuumaddu inay mashaariic kale ka hirgaliso, balse waxa lagu soo waramayaa khilaaf ka dhashay mashruucaas dartii in ay Xukuumaddu baajisay safar ay ku tagi lahayd.
Si kasta ha ahaatee waxa muuqda tartan mucaaradka iyo xukuumadda u dhaxeeya, kaasoo ka dhashay Ololayaasha siyaasadeed ee ay labada dhinac mid waliba ku doonayso inay taageero ka hesho dadweynaha, gaar ahaan Xisbiga Waddani oo ay masuuliyiintiisu ku sugan yihiin Burco ayaa tartanka ugu badani ka dhaxeeyaa Xukuumadda Xilligan.
Burco SDN/QJ
contact@qurbejoog.com