|

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta oo muujiyay Taageeradooda Dowladda Soomaaliya

Istanbul Dec 02, 2012 (SDN)—Shirka Wasiirrada arrimaha Dibadda ee dalalka carabta iyo Turkiga ayaa lagu soo gabagebeeyey magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.kaasi oo qodobo dhowr ah oo ka soo baxayna ay ka mid ahaayeen sidii taageero ballaaran loo siin lahaa dowlada iminka hana qaaday ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa dhanka Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.isagoona kulanka gabagabadiisii ka jeediyay qudbad wax ku ool ah oo taabaneysay dhinacyo badan oo quseysay Soomaaliya iyo marxalada lagu jiro.

Waxaana Sidoo kale qudbado kale duwan Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Turkiga ka jeediyay madaxdii kala duwaneed ee ka soo qeyb gashay.

Waxaana ka mid ahaa Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayeb Erdogan oo khudbad ka jeediyey xiritaanka kulanka waxaana uu ka nuuxnuuxsaday arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka carabta gaar ahaana horumaradii ugu dambeeyey ee laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay Raysal wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayeb Erdogan iyo dhamaan madaxdii kale ee ka soo qeyb gashay shirka in si isku mid ah oo aan kala har lahayn loo taageero dowlada Soomaaliya oo haatan wado qaban qaabo ay ku dooneyso inay dib ug soo celiso hanaankii iyo kala danbeyntii wadanka ka jirtay.

Sidoo kale madaxdii kala duwaneyd ee ka qeybgalay waxey shacbiga iyo Dowladda Soomaaliyeed si weyn ugu taageereen horumaradii ugu danbeeyay ee dalka uu galay kuwaasi oo dhamaantood lagu amaanay shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowlada Soomaaliya.waxana ay sheegeen in ay ahaan doonaan taariikh lama iloo baan ah oo dalka Soomaaliya lagu xasuusan doono.

Ugu danbeyntii shirka ayaa lagu sheegay in in dalalka carabta iyo turkiga ay iska kaashanayaan sidii loo siin lahaa gacan dowlada Soomaaliya si ay kaga gudubto caqabadaha horyaala.

Comments are closed