Wasiirada Maaliyada iyo Ciyaaraha oo Dhagax dhigay Dhisme Cusub oo loo samayn doono Wasaarada Ciyaaraha
Hargaysa 26.Feb (SDN) Wasiirada wasaaradaha Dhalinyarada iyo cayaaraha md. Cali Siciid Raygal iyo wasiirka maaliyada mud C/casiis Maxamed samaaleayaa maanta si wada jir ah u dhagaxdhigay dhisme hal dabaq ah oo loo dhisayo wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha kaasoo Laga Dhisayo Xarunta Wasaaradaas.
Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha oo Halkaasi Ka Hadlay,ayaa Sheegay in Wasaaradani ay ahmiyad Balaadhan u Leedahay Qaranka,isla Markaana Dhismahani uu Qayb Weyn ka Qaadan doono Horumarinta Adeegyada Kala duwan ee Wasaarada.
Wasiirka Maaliyada oo isna Ka qayb galay Munaasabada Dhagax Dhigaasi ayaa Tilmaamay in Wasaaradan Ciyaaruhu ay ka mid ahayd,Wasaaradaha ay Mudnaanta Gaarka ah Siinayeen waxka Qabashada Baahiyaheeda,Taas oo uu u Rajeeyay in Dhismahaasi Noqdo Mid Daboosha Baahida waaxyaheedu u qabeen dhismahan.
Waxa Kale oo Munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dalxiiska ayaa Ugu Mahadnaqay Madaxweynaha sidii Wasaarada Xukuumada ugu Fulinayso Dhismayaasha Cusub.
Hargaysa SDN.