Wasiirada Maaliyada dawlada dhexe iyi kuwa Gobolada oo kulmay
Muqdisho February 02, 2024 (QJ) -Wasiirada Maaliyadda ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta isugu yimid kulan dhanka internetka ahaa oo looga hadlayay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa hanaanka maaliyadda dalka, kadib markii la soo gaba gabeeyay hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.
Wasiirada ayaa isku raacay inay lama huraan tahay hirgelinta istaraatiijiyado cusub oo lagu kobcinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo in dalka loo sameeyo hannaan maaliyadeed oo joogto ah.
Sidoo kale, waxay ka wadahadleen su’aalo la xidhiidha wejiga cusub ee mashaariicda horumarineed ee dalka.
Horraantii Disembar, Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii lagu lahaa, taasoo la filayo inay dalka ka caawiso helitaanka ilo dhaqaale oo cusub si kor loogu qaado kobaca dhaqaale.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay maalgashi cusub, kaasi oo gacan ka geysan doona maalgelinta dhinacyada waxbarashada iyo shaqo abuurka si loo horumariyo nolosha dadka Soomaaliyeed.