|

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Wershadaha oo Kormeer ku Tagay Degmada Xariirad

Xariirad 26.May (SDN) Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay wehelinayen wasiirka wasaaradda wershadaha Md C/risaaq Cali Cismaan iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md Cabdi Nuur Sugaal ayaa manta kormeer hawleed ku tegay Degmada Xariirad oo ku taalla xuduuda Somaliland la wadaagto dalka  Itoobiya.

Safarka mas’uuliyiinta xukuumada ee degmadaasi ayaa waxa uu daba socdaa socdaalo ay hore halkaas ugu tageen wasiiro xukuumadda ka tirsan oo lagu xallinayey shaqaaqo hore u dhexmartay Ardaayo deegaankaasi wada dega,

Mudada uu halkaas joogo weftiga xukuumadda waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madax dhaqameedyada deegaankasi six al kama dambays ah looga gaadho tabashooyinka arintaas ku salaysan.

Sida la ogyahay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Gaashaandhiga, xanaanada Xoolaha iyo duulista iyo hawada ayaa bilowgii sanadkan degmada xariirad ku tegay socdaal shaqo oo ay qayb ka ahayd xallinta khilaafaadkii ka dhashay dilka hal ruux oo u dhexeeyey labo Ardaa oo deegaankaasi ka soo jeeda.

Xariirad SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed