|

Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Gudaha ee Somaliland oo ka qayb galaya Shir looga hadlayo Nabada Somalia Sawiro

Addis ababa 25.April 2014 (SDN/QJ)- Waxa wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskashiga Calimaga ah ee JSL, Mudane Maxamed Bixi Yonis, Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Safiirka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Aden Nux dule, ayaa Waxay ka qayb galeen Booqashada  boqoradda Ingriiska  oo ku sugan magaalada Adisababa.

 

isla shalay waxa kulan laba geesood ahi dhex maray wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed warancade iyo Gudoomiye ku xigeenka midawga Afrika, Mudane, Mwencha.

kulankaas wasiiradda waxa ku weheliyey masuuliyiinta safaaradda JSL ee Itobiya.

 

waxa kaloo Jamhuuriyada Somaliland markii ugu horeysa ay martiqaad ka heshay shirka la yidhaado TANA FORUM oo saddexdii sanoba mar la qabto. shirkaasi waxaa ka qeyb galaya wasiirka arrimaha dibeda &iskaashiga caalamiga ah mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed  Warancade.

waxaana qabanqaabiayay shirkaas jumciyada quruumaha ka dhexaysa iyo midawga Africa(AU).

waxa shirkaasi ka soo qeyb galaya dhamaan diblomaasiyiinta Addisabab U Jooga Dalalka Caalamka Oo Dhan.

maalinta barri ah ayay u anbabaxayaan labda wasiir magaalada BAHRADAAR oo shirku ka furmi doono. waxaana sharkaasi lagu lafo gurayaa oo lagaga hadlayaa nabada iyo xasiloonida  geeska afrika Gaar ahaan Somalia.

IMG_0076 IMG_0081 IMG_0087 IMG_0088 IMG_0106

Addis ababa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed