Wasiir Xirsi Wuu Kaga Nasiib Badan yahay Siyaasadda Guddoomiyaha UCID
QALINKII DAAHIR ABDI CIISE
Waxay xikmad somaliyeed tidhaahdaa Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo taas waxaa ka dhigan faysal cali waraabe oo mudo badan hogaaminayaya xisbi aan ku guuleysan kalsoonida shacabka kuna ayaan daran, saaxada siyaasada intuu ku jiray waxuu ku fashilmay inuu guul ka soo hoyo markaliya waxii doorashooyin soo maray dalka oo mid walbana ka qeyb galey.
Hadaba gudoomiyaha xisbiga UCID tan iyo intii somaliland ka baxdey nidaamka beelnimada waxuu majaraha u hayaya xisbigaas isagoo dhowr jeer isku sharaxey madaxweynimo balse dadweynahu ku aamini waayeen masiirkooda taas waxay muujineysaa inuu ku guuldareystey hankiisa siyaasadeed, hogaankastoo ah kaligii taliye waxuu caan ku yahay inuu cunaha iskaga maro hadba markaas waxa gacanta ugu jira Mr waraabe maxaa kala qabsadey ragii xisbiga lasoo dhisey oo dhigooda usoo hurey sida la’wada og yahay waxay gaaadhey heer maxkamadeed iyadoo taagneyd gudoomiyaha oo dhinac ah iyo intii kale ee xisbaga oo dhinac ah taana waxaa ugu wacan kaligi talisnimo iyo anaanimo ku beerana Mr waraabe.
Iminka waa ka gudoomiye inkastoo inkastoo nin dhalinyaro ah uu ka yahay musharax madaxweynimo waxaanu dhawreynaa halkeey ku danbeeyso ciyaarta dhex taal isaga iyo jamaal oo iminkaba qilaaf dhexdoodu muuqdo kadib markuu xoghayu xisbiga uu kala direy dhamaan madaxdii xisbiga ee gobalda bariga taas oo ay u muuqato wadadii lagaa taqa lusi lahaa MR waraabe oo isagoo inta badan ku dhaganaa hogaanka xisbiga oo aanu sharciga dalka u ogoleyn inuu mar afaraad noqdo gudoomiyaha xisbiga sida uu cadeeynayo (XEER 14 qodabkiis 12 faqradiisa kowaad iyo labaad)
Xeer no. 14 qodob kiisa 12 faqrada 1 iyo 2 uuma ogola Faysal cali 4 jeer gudoomiye nimo xisbi inuu isu sharaxo.
Gudida doorashooyinku maaha inay iska indha tiraan in aan Faizal sadex jeer gudoomiye noqon Karin oo sidaa waxa diidan sharciga JSL. Sharcigu waa inuu shaqeeyaa oo Faizal maxkamad loo diraa, hadii kale cid waliba xeerka wey ku tuman waana sababta uu isagu qaadayo wasiirka madaxtooyada si uu hadhaw marmarsiyo oga dhigto in xukuumadu ka qaadey kursiga gudoomiyenimada
Wasiirka madatooyadu waa u ehel guusha mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ah aqoon yahan dhalinyaro ah isla markaasna mudo gaaban saaxada siyaasada kusoo jirey ahna nin karti iyo dadaalbadan balse kaga ayaan badan siyaasiyiin mudo badan ku soo jirtey saxaada siyaasada hadaan tusaaleyno siyaasiyiinta caalamka waxay isticmaalaan qarashaad badan si ay magacooda u hirgaliyaan, taasi mid ka dawan ayaa dalkeena ka dhacdey oo aanu ku sheegi karno mucjiso waayo xirsi waxay dadweynahu ku barteen mudo gaaban oo uu meel walba ka tisqaadey waana haybad rabaani ah taasna waxay dhaxalsiisay inay dad badan la coloobaan ayagoo ka xun sida gaaban oo ugasoo dhex baxay fiilkiis oo aad markaad aragto siyaasiyinta magudbaha sida ay magaciisa oga xun yahin marwalbana dhaleceyn la dabo taagan yahiin taasna waa xin iyo xaasidnimo markaa waxaan oran karnaa wasiirka madaxtooyada wuu kaga ayaan badan yahay gudoomiyaha UCID saaxada siyaasada.
Daahir Cabdi Ciise
Daaha02@hotmail.com