Wasiir Xirsi Oo Si Adag u Beeniyey War Xaasaasi ah Oo Mareegta Wikileaks Ka Baahisay Somaliland
Hargeysa:Jully,06,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Markii ugu horraysay ka Dareen celiyey War ay hore u baahisay Mareegta Wikileaks, kaas oo salka ku hayey inay somaliland hore heshiisyo midnimo la xidhiidha ula gashay Dhiggeeda somalia, isa-markaana uu Wasiirku arrintaas lug weyn ku lahaa.
Wasiir Xirsi, ayaa arrintaas kaga dareen celiyey, waxana qoraal dheer oo uu bartiisa Face-book-gga soo dhigay uu sidoo kale meesha kaga saaray inuu heshiiskaas masuuilyadiisa dusha ka saaray Wasiirkii hroe ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Qaraalka Wasiirku arrintan kaga falceliyey, ayaa sidan u dhignaa.
“Waxaxeeninayaa Warka Warbaahinta qaarkood ku sheegeen in ay kasoo xigeen Mareegta caanka ku ah faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks kasoo sheegaya in Somaliland iyo Somalia heshiis midow wada galeen isla markaana aan eeda arinkaas dusha u saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda, waxaan cadaynayaa in warkaas aanu sal iyo raad toona lahayn aananan ogayna!
“Qaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo aan marnaba ka noqod iyo gorgortan toona lahayn!”
——————————————————————————
Ugu horayn dhamaan umada Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, Allaha inaga dhigo kuwa ku guulaysta Naxariista iyo dembi dhaafka Alle isla markaana naarta laga xoreeyo.
Intaas kadib, waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!
Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!
Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!
Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan
Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:
“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” كفى بالمرء كذبا أن يحدّث بكل ما سـمع ”
Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com