Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Joogitaanka Cali Khaliif ee Bariga Somaliland Iyo Wada-hadalladii Muqdisho iyo Hargeysa
Washington:May,19,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Madaxtooyada Xiris Cali Xaaji Xasan oo Safar ku maraya Dalka Maraykanka ayaa ka hadlay Qaddiyadda ka jirta Somaliland iyo sida ay shacabka reer Somaliland iskugu tashadeen sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.
Wasiir Xirsi oo u warramayey Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay Somaliland Degmooyinkeeda iyo Gobolladeeda gacanta ku Hayso, isla-markaana ay horumar ka waddo Dalkeeda, “dadka waxan u bandhigay Horumarka Dalka si taladooda ay ugala qayb qaataan, Gobolada Barigu waa Gobolladayadii, maamulkuna wuu gaadhaa Sool iyo Sanaag, waanu Haynaa Sanaagna Waannagan Waddada u dhisayna ee Haatan mashruuceedii aanu Gacanta ku Hayno.” Ayuu yidhi Wasiir xirsi.
Wasiir xirsi ayaa meesha ka saaray in Gebi ahaanba goobo ka mid Somaliland ay maqan yihiin, isagoo sidoo kale ka Hadlay Joogitaanka Cali Khaliif ee Gobolada Bariga Somaliland, waxana uu yidhi,
“maamul kale kama jiro somaliland ee Annagaa ka jirna, cali khaliifna Waa xubin ka tirsan Baarlamaanka Somalia reer Somaliland ma dooran, Doorasho annagu furan baanu ka samaynaa, Laascaanood-na way ka dhacday oo xildhibaano laga soo doortay Baa Fadhiya.”
Wasiirka oo arrinta Cali Khaliif iyo Wada Hadalladii Somaliland iyo Somalia ka sii hadlayaa ayaa yidhi,
“Shakhsi ahaan waa reer soamliland, laakiin haddii uu Somalia xilka qabto ama uu jeclaado isagay u taallaa, wadahadalkii Somaliland iyo Somalia waxa loo ballansan yahay Juun, midho dhalkiisuna muddo ayuu qaadanayaa, dadka reer Somalia-na waa inay xaqiiqasadaan xaqiiqda jirta.”
Wasiir xirsi iyo wafti ballaadhan oo uu Hoggaamiinayey ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey Safar ku marayey carriga ingiriiska, iyagoo Jaaliyadda reer Somaliland ee halkaas ku sugan kala qayb galaya Dabaal-degyada loo samaynayo Maalinta xorriyadda Somaliland oo Shalay ku Beegnayd.
SDN/QJ\Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com