Wasiir Xirsi Oo Dhibkii Shacabka Ka Soo Gaadhay Xeerkii Uu Gadh-wadeenka Ka Ahaa Kula Galgshay Mucaaridkiisa
Tog-Wajaale:31-Dec-2013(SDN)-Wasiir Xirsi ayaa Mudaharaadkii dhawaan shacabka Reer Hargeysa kaga Cabanayeen Biyo La’aanta ku Eedeeyey mucaaridka.
Wasiirka oo Shalay ka Hadlayey Madal lagu furayey waddo laga Hirgeliyey Deegaanka Wajaale, ayaa si cad u sheegay in Dhacdadaas ay Buunbuuniyeen Kooxaha Mucaaridka ahi, waxana uu indhaha ka qarsaday Dhibkii biyo La’aaneed ee shacabka Haleelay.
Wasiir Xirsi ayaa Gebi ahaanba iska Indha Tiray Dhibka Biyo la’aaneed ee Haystay Shacabka ku Nool Caasimadda Hargeysa, waxana uu ka soo Qaaday wax fudud oo ay kooxaha Mucaaridka ahi Buunbuuniyeen ama Ka badbadiyeen.
Wasiirka ayaa sidoo kale hadalkiisani ku soo Beegmayaa xilli waxgarad tiro badan oo Reer Hargeysa ahi ay madaxweynaha warbaahinta uga sheegeen inuu wasiirradiisa ka dhigo sida Cali waran-cadde oo kale, maadaama uu si odoytinimo ah u xalliyey dhibkii shacabku biyo La’aanta kaga cabanayeen.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa isagu ah shakhsiga keenay cashuurta Biyo la’aanta dhalisay,waxana cabashadani salka ku haysaa Xeerkii uu Golaha hor dhigay ee Takaallifta Waddooyinka, waxana Shacabku ay maanka ku Hayaan in Xeerkaasi ahaa mid tudhaale darro ah oo aan loogu danayn dadka dan yarta ah ee aan tahli Karin inay Cashuur intaa le’eg bixiyaan.
Sidoo kale wasiirku waxa uu ku Guuldarraystay inuu sabab u sameeyo xeerka uu isagu sameeyey ee uu Golaha horgeeyey, waxana uu Midhaha Taban ee ka dhashay kula galgashay dhinac mucaaridkiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com