Wasiir Xaglo Toosiye oo Markii u Horaysay ka Hadlay Shilalka Gaadiidka iyo Saamaynta Wasaaradiisa
Hargaysa 25.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa kulan uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay khasaaraha ka dhasha shilalka waddooyinka iyo saamaynta ay arintaasi ku keento wasaarada caafimaadka.
Kulanlkan oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiir ku xigeenka wasaraddaasi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamuud Axmed Jeeniyare, Mayorka Degmada Gebiley, Agaasimaha waxda maamulka ee wasaaradda hawlaha guud iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka.
Dr Cabdilahi Cabdi Yuusuf Agasimaha xog ururinta ee wasaaradda caafimaadka ayaa si faafaahsan uga waramay khasaraha ka dhasha shilalka gaadiidka gaar ahan lixdii bilood ee u dambeeyey sanadkan isagoo cadeeyey in ugu yaraan 1302 ruux ay ku dhaawacmeen, 32 ruux oo kalen ay ku dhinteen, tiradan oo ah inta sida rasmiga ah u soo gaadhay wasaaradda caafimadka.
Dhanka klena isla kulankani waxa lagu gorfeeyey shilalka wadooyinka iyo meelaha ay inta badan ka dhacaan.
DR saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) wasiirka wasaradda caafimaadka ayaa kulankaa ka sheegay inay samaynayan guddi isku dhaf ah oo ka kooban dawladaha hoose, Badhasaabada gobolada dalka iyo wasaaradda caafimadka si loo dejiyo qorshe si degdeg ah loogu gurman karo marka ay shilalku dhacaan, loona dejiyo hanaan lagu yarayn karo shilalka noocas ah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com