Wasiir Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Dilkii Deegaanka Buuhoodle
Caynaba:May,17,2014(SDN/QJ)-Wasiir Caglo-toosiye oo ka hadlayey Munaasibad uu Maamulka Caynaba ugu wareejinayey Gaadhi Abulance ah, ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay falalka dilka ah ee Deegaanadaas ka dhacay.
Wasiirka ayaa dilka ka dhacay Deegaanadaas ku tilmaamay mid siyaasadaysan, maadaama Kooxda ka soo Horjeedda joogitaankiisu ay ku lug lahaayeen in Beelahaasi isku dhacaan.
Wasiirka oo Arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi, “ waxan tacsi u dirayaa guud ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Buuhoodle iyo Nawaaxigeeda, inaan cambaareeyo ciddii ka shaqaysay dilkaas Foosha xun ee Fulaynimada ah ee Siyaasadaysan, dadka deegaankan-na waxan ku Boorrinayaa inay ku samraan sidii looga Bixi lahaa Dilkaas Siyaasadaysan” ayuu yidhi wasiir xaglo-toosiye.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay xaalad colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Buuhoodle iyo qorilugud dhexdooda, iyadoo kooxaha Nabad-diidka ee Deegaankaasi ku Hawllan yihiin sidii ay mar kale xiisad colaadeed uga dhex abuuri lahaayeen Beelaha walaaha ah ee Halkaas Wada Dega.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com