Wasiir Warancade oo Jawaab ka bixiyay Golaha Wada Tashiga Madaxa Banaan
Hargaysa 11 July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee JSL Md Cali maxamed warancadde oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa Jawaab ka bixiyey hadalo maalintii shalay ka soo yeedhay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka qaarkood, hadalkaas oo ay ku soo bandhigeen inay samaynayaan Gole ay ugu magac dareen Golaha la tashiga madaxa banaan.
Md warancadde Waxa uu sheegay in hay’adda fulinta oo ah xukuumaddu ay u xilsaaran tahay arimaha siyaasadda ee xiligaa taagan iyadoo dastuurka la raacayo , halka sidoo kalena uu Wasiirku u soo jeediyey xubnahaasi inay dawladda ula yimaadaan waxii talo ah ee ay hayaan si hadii ay sax tahayna looga qaato hadii ay wax ka dhiman yihiina loo nasteexeeyo oo khaladka laga qabto.
Wasiirka arimaha Gudaha ee JSL MD Cali warancade waxa uu ka codsaday guud ahaan shacabka Somaliland inay iska ilaaliyaan galdaloolooyinka cadowgu ugu soo dhuumanayo nabadgelyadoodana adkaystaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com