|

Wasiir Waran Cade Oo Bilaabay Diiwan Galintii Madaniga Ah Iyadoon La Ansaxin Xeerkii Diiwan Galinta Ah Madaniga Xalayna Qalabkii Diiwan Galinta Si Qarsoon Ugu daad Gureeyey Gobalada Iyo degmoyinka Somaliland

qqq11111

Hargeisa (SDN/QJ)Xukuumada Siilaanyo Ayaa Si Qarsoodi Ah U Bilowday Diwaan Galinta Muwaadiniinta Taasi Oo Ilaa Hada Xeerkeedu Horyaalo Golaha Wakiilada Somaliland Isla Markaasina Aan La Ansixin.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Warancade OoDabada Ka Riigayey Arintan In Muddo Ah Ayaa Aroornimadii Hore Saaka Qalabka LaguDiiwaab Galinayo Muwaadiniinta Si Ay U Qaataan Kaadha Dhalasha Waxaa Uu Si Qarsoodi Ah U Geeyay Dhamaan Degmooyinka Ay Ka Kooban Tahay Xaafadaha Magaalada Hargaysa, Isaga Oo Isla Saakana ShaaciyeyInay Bilaabeen Diwaan Galinta Bulshada.

Dhinaca KaleDegmooyinka Caasimada Hargaysa Ayaa Qaar Kamida La Sheegayaa In Dadkii Ka Soo Horjeesteen Diwaan Galinta Ay Xukuumadu Sida Qarsoodiga Ah Uula Guuraynaysay Ilaa Xalay Ee Qalabka Ay Gobaha Ugu Raraysay.

Daadmadheedh News Oo ArintanSaaka U Kuur Galay Ayaa Ilo Wareedyo Lagu Kalsoonyahay Ay Xaqiijiyeen In Degmada Maxamuud Haybe Ay Wasaarada Arrimaha Gudahu Gaysay Saaka Afar Sanduuq,Kaas Oo Dadkii Joogay Dagmada Ay Ka Biyo Diideen Afartaas Sanduuq Ee Ay Wasaarada La Dhuumanayso.

Waxa Ay Shegeen In Dadka Dagan Xaafadaha Ay Ka Kooban Tahay Dagmadu In Ay Ka Badan Yihiin Afartaas Sanduuq,Waxaana Ay Ku Shegeen In Dadkii Deegaanka Aan Cidna Laga Shaqaalaysiin Ee Qaar Ay Wasaaradu Tunka Ku Sidato Keen Satay.

Sida La Sheegay Masuuliyiin Ka Tirsan Asxaabta Mucaaradka Ayaa Saaka Makarafoon Saaray Gaadhi Kuwaas Oo Shacabka Ku Booriyay Inaanay Qaadan Kaadhka Diwaan Galinta Ah Ee Ay Xukuumada La Dhuumanayso.

Waxa Ay Shegeen Masuuliyiintani Oo Ka Gaabsaday Magacood Oo Kasoo Jeeda Asxaabta Mucaaradka In Ay Xukuumadu Doonayso In Ay Bilawdo Diwaan Galinta Oo Xeerkii Lagu Dhiqi Lahaa Ay Wali Golaha Wakiiladu Hor Yaala.

Balse Xukuumada Ayaa Sida La Sheegay Doonaysa Xeerka Diwaan Galintu Intaa Aanay Golaha WakiiladuAnsixin In Ay Bilawdo Diwaan Galinta Madaniga,Waxaana Laga Dhul Sugi Doonaa Talaabada Ay Qaadaan Asxaabta Mucaaradku.

Cuqaasha Iyo Wax Garadka Ku Nool Magaalada Hargaysa Ayaa Gabi Ahaanba Qaadacay Diwaan Galinta Madaniga Taas Oo Ay Ku Sifeyeen In Ay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Aanay Soo Qiimayn Dadka Dagan Xaafadaha Ay Diwaan Galinta Ka Bilaabayso.

Comments are closed