|

Wasiir Waran-cadde Oo Shirkadaha Xawaaladaha Uga Digay Inay Dadka Lacagaha Ugu Diraan Adeegga Zaad-ka

Hargeysa:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa Shirkadaha Xawaaladaha Somaliland kulan kala yeeshay sidii ay u joojin lahaayeen Lacagaha ay Adeegga Zaad-ka ku dirayaan.

waranka cadKulankan ayaa sida wasiirku sheegay lagu lagoguray sidii loo joojin lahaa lacagaha Zaad-ka oo qiimihii lacagta somaliland hoos u dhigay, isla-markaana sababay sixir-barar iyo noloshii oo adkaata,

“Runtii waxaa jira arrimo badan oo Sixir barar keeni kara, oo in laga hor tago ay fiican tahay sida Saadka oo kale, oo ay muuqato in lacagtii Somaliland ba laga maarmay oo macaal qofkii Baska raacayay Lacagta iskaga bixinayo Saad ama Lambarka Lacagta laga dirayo, arrintaas oo aan runtii u arko inay dhaqaalaha wax yeelayso, haddii dhaqaaluhu wax noqdana ay nabad galyada wax yeelayso oo waajibkaasina na saaran yahay, sidaas awgeedna waanu ka wada hadalnay sidii looga fikiri lahaa in Lacagaha Saadka(Lacagta doolarka ah ee telefoonka la iskaga diro) looga dhigi lahaa Lacagta Shilin Somaliland ah” ayuu yidhi wasiir waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde, ayaa ku adkeeyey shirkadaha xawaalahada inaanay qayb ka qaadanin qiime dhaca ku habsaday Lacagta shilinka somaliland, waxana uu uga digay inay arrintaas sii wadaan muddooyinka soo socda.

Wasiirku waxa kale oo uu shirkadaha lacagaha kala xawila ku adeeyey inaanay lacagta siinin qof aan sidanin Kaadhka Dhalashada Somaliland oo dhawaan dalka laga hirgeliyey, isagoo hoosta ka xarriiqay inuu noqon karo Dokument iyaga qudhooda hawlahooda u fudaydiya.

Beryahan dambe waxa xawaaladaha kusoo badanaya in dadka dibadda joogaa lacagaha Adeegga Zaad-ka kusoo diraan, waxana ay taasi keentay in shirkadaha qudhoodu Zaad uun ugu sii diraan Dadkii lacagahaas lahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed