Wasiir Waayeel Ah oo Hawraar Laga Barako Badan Yahay Ku Dhiiri-geliyey Dhalinta Rejo La’aantu Ambo-bixisay
Hargeysa April 25,2013(SDN/Hubaal)-Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa jawaab laga barako badan yahay ka bixisay aafada Tahriibka ee xilligan dalka ka socota iyo dhalinyarada shaqo la’aantu ka sibir dhaqaajisay dhulkooda hooyo.
Wasiirka u qaabilsan xukuumadda horumarinta arrimaha bulshada iyo shaqo abuurka ayaa hawraar cadawtinimo leh kaga jwaabay Tahriibkan Xadhkaha goostay isagoo ku tilmaamay inaanu dan ka lahayn qofka suudalaya oo uu ku maseeyey qof is qarxinaya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Md. Maxamuud Axmed Barre oo ‘Garaad’ Loo yaqaanno kana mid ah xubnaha faro ku tiriska ah ee Waayo aragnimada iyo khibradda lagu majeerto dhinaca Golaha wasiirrada Weydiin ay warbaahinta Madaxa banaani ula tagtay si uu bal uga war celiyo siyaasadda wasaaraddiisa uga dejisan ka hor tagga aafada Tahriibka waxa uu kaga jawaab aan munaasib ahayn ka bixiyey Da’yarta waahan dambe sida laxaadka leh uga sibir dhaqaaqaysa Guud ahaanba geyiga Somaliland.
Wasiir Garaad oo maalintii shalay si karaamo leh warbaahintu xafiiskiisa ugu booqatay ayaa ku jawaabay erayo meel ka dhac ku ah mansabka wasiirnimo ee uu qaranka u hayo, isagoo sidoo kalena aan ixtiraamin suxufiyiintii hawl-maalmeedkooda gudanaysay ee ka codsatay inuu erayo kooban oo wacyigelin u noqda da’yarta Badaha isku halligaysa ee uu masuulka ka yahay u jeediyo.
Ugu horraynba waxa uu wasiirka oo ay si aad uga muuqatay inaanu haba yaraatee wax ixtiraam ah siinin xaqa ah in saxaafaddu wax weydiin karto waxa uu kala horyimi koox saxafiyiin ah oo xafiiskiisa ku booqday Hadallo aan munaasib ahayn isagoo si aan ka fiirsasho lahayn ugaga jawaabay , “ Anigu tahriibta kama hadlayo shaqadaydana maaha, qofka tahriibayaana waa qof is qarxinaya oo kale, cid celin kartaana ma jirto, markaa sidaan u celiyaa dhalinyarada soconaysa.?” Sidaa ayuu yidhi.
Odhaahdaa uu wasiirku sida fudud iskaga yidhi, ayaa waxa ay qayb laxaad leh ka qaadan kartaa, islamarkaana dhiirrigelin kartaa kumanaan dhallinyaro reer Somaliland ah oo laga yaabo inay maanta tahriibta kaga joogsan karaan laba eray oo qabaw oo yididiilo leh, ama uu qalbiga dhallinyarada ku gelinayo inay xukuumaddu ka hawl geli doonto sidii ay da’yartaa ugu samayn lahayd wax ay kaga maarmaan inay badda isku tuuraan.
Dhinaca kale waxa uu wasiirku qaranka Somaliland masuul uga yahay dhammaanba shaqada kala duwan ee xukuumaddu gacanta ku hayso, isagoo awoodna u leh inuu wax ka ogaado Hannaanka ay shaqaalaha u qaataan Hay’adaha Ajaanibka ah ee waddanka degeni, isagoo dhinaca kalena wasaaradiisu huwan tahay Magaca arrimaha Bulshada oo isagu ah halka kaliya ee maanta wax laga hagaajn kara, ama ay bulshadeenu ugu baahida badan tahay.
Waxa kale oo wasiirka sida muuqata aad ugu yar oo aanu wax badan ka ogayn masuuliyadda culus ee uu qaranka u hayo, iyadoo ay hadalkiisa ka muuqato inaanu kaba damqanayn dhallinta da’da yar ee waagii beryaba ku halaagsamaysa badaha u dhexeeya Yurub iyo Afrika, isagoo xataa kala masuugay da’yarta eray debacsan oo uu ugu sheegayo inuu dedaal u geli doono sidii ay u heli lahaayeen waxa ay tabanayaan oo ay ugu horrayso abuurista fursado shaqo oo ay noloshooda ku badbaadiyaan.
Tiro badan oo ka mid ah da’yartii iyo ubaxii dalkani lahaa oo waliba u badan qaar mutacalimiin ah oo jaamacadaha ka baxay, ayaa waayadan dambe si ba’an habeen iyo maalinba uga baxaya guud ahaan Somaliland, kadib markii ay waayeen wixii ay mudada badan tacabka u soo galeen oo ah shaqo ku haboon, iyagoo yaqiinsaday inaanay muuqanin ifafaale dhaw oo muujnaya inay heli doonaan shaqooyin nafahoodana ku qanciyey inay badda dhuuca weyn nasiibkooda ka qaadaan.
Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo qaranka ugu fadhida qiimo ballaadhan sida magaceeda ka muuqatana hawsheedu tahay inay iyadu diyaariso barnaamij hufan oo shaqo loogu samaynayo da’yarta jaamacadaha ka soo baxda, ayaan iyadu haba yaraatee dooc iyo dareen midna ka haynin halka ay marayso shaqo yaraanta wadanka ka jirtaa, iyadoo aan wax lug ah ku lahayn qaabka ay hay’adaha shisheeye ku qaataan shaqaalahooda iyadoo marar badan ay dhacdo inay hay’aduhu dalka keenaan ajaanib qabanaya hawl dadkii muwaadiniinta ahaa ee xaqa u lahaa laga hor istaagay, taas oo wasaaraduna aanay wax tallaabo ah oo muuqata ka qaadin.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre oo isagu booskan ku helay doodo iyo muran uu in badan goobaha warbaahinta marin jirey oo la xidhiidhay in laga sed-bursaday Beesha Galbeedka Somaliland oo uu isagu ka soo jeedo, ayaa markii loo magacaabay jagadan isagu si kedis ah u noqday mid ka mid wasiirrada ugu muxaafidsan xukuumadda Siilaanyo, waxana ay taasi muujinaysaa inuu waligiiba hoosta ka watay dan gaar ah oo aanu haankaba ku haynin Danta Somaliland iyo ta beeshiisa midna.
Dhaq dhaqaaqyadii caanka noqday ee wasiir Garaad lagu xasuusto wakhtigii aanu jagada wasiirnimo haynin, ayaa waxa ugu waaweynaa dooddiisii ahayd inay Beesha Dhexe ee Somaliland si gaar ah jeebka ugu shubatay dhamaanba jagooyinkii muhiimka ah ee qaranka Somaliland, balse waxa hankiisuba ahaa oo lagu aamusiiyey wasiirnimo looga qaaday prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ahaa xubin halgan weyn lasoo gashay xisbiga KULMIYE, laakiin Garaad waligii xisbiga KULMIYE cod uu ka lumiyo mooyee waxba umuu tarin waxase booska loogu dhiibay inuu kaliya xukuumadda Siilaanyo ka yareeyo shimbiro waaqlaynta uu warbaahinta kala dhexjirey.
Guntii iyo gebagebadii masiibada tahriibta ayaa haatan u muuqata mid xadhkaha goosatay, islamarkaana ay afka ka xidheen masuuliyiinta qaranka Somaliland oo ay waajib ku tahay inay xal u raadiyaan dhallinta badaha isku tuuraysa, balse waxa haatan afkiisa ka soo baxday wasiirkii isagu shada waddanka loo igmaday hawraar cadawtino huwan oo ka baxsan milgaha masuuliyadeed iyo kan Bani’aadan-nimoba, waxana ay arrintani Bogga madow ee been ma sheegtada taariikhda u gelaysaa wasiir Maxamuud Axmed Barre.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com