|

Wasiir Samaale:waxaan qabaa inay ummaddu ugu abaal-gudi doonto xukuumaddan inay codkooda mar labaad siiyaan

Hargeysa July 16,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaarada Maaliyada ee Somaliland ayaa ku faanay in shacabka reer Somaliland uu ku kalsoon yahay in ay mar labaad xisbiga Kulmiye u codeyn doonaan.

Wasiirka oo u waramay TVga HCTV ayaa kalsoonidiisan ku saleeyay wax uu uGu yeeray waxqabad ay xukuumada uu ka tirsan yahay ay ummada u qabatay,mar uu arinkaa ku goodiyayna waxa uu yiri: “Dareenkayga kalsooni 100% ah ayaan ku qabaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda KULMIYE oo isku mid kaliya ahi, maanta oo aanu xilkii ummadda hayno,maanta oo aanu wax badan u qabanay shacbiga. Iyadoo madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay horumarkaas dhinacyada badan leh ee la taaban karayo dalka ka qabteen, waxaan qabaa inay ummaddu ugu abaal-gudi doonto xukuumaddan inay codkooda mar labaad siiyaan.

Miisaaniyaddii 2013-kii waxaan Golaha Wakiiladda horgeeyay Bishii December,miisaaniyadii sannadkan aynu hadda ku jirno ee 2014-kiina waxaan horgeeyay Bishii October ee kal-hore, sannadkanna miisaaniyadda 2015-ka waxaan ku tallo-jiraa inaan Golaha Wakiiladda horgeeyo xiliga sharcigu qorayo oo aan geeyo bisha October ee fooda innagu soo haysa, markaa way iga go’an tahay inaan miisaaniyadda ku gole-geeyo xiliga sharcigu dhigayo oo aan waligeed taariikhda Somaliland ka dhicin oo aan saddexdaas sannadood ee aan wasaaradda joogay aan mar walba geeyay wakhtigii loogu tallo-galay.

Waxa Jira mashruuc la yidhaahdo (Somaliland Development fund) oo ah mashruuca horumarinta Somaliland oo waddamo badan oo reer Yurub ahi ka qeyb-qaataan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden, Norway iyo qaar kaleba. Lacag 14 milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar ah ayay ugu tallo-galeen sannadkan 2014-ka inay galiyaan Somaliland Wasaaradaha oo ay ugu horayso wasaaradda qorshaynta qaranka oo ah wasaaradii qorshaynaysay baahiyaha kala duwan ee qaranka ah iyo wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee loo baahan yahay inay lacagtaasi gasho waxaanay leeyihiin Guddi isku dhafan. Lacagtaasina waa lacag ay waddamadaasi toos innoogu deeqaan iyagoo korjoogtada leh.”

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed