Wasiir Samaale Oo Maanta Lagu Wado inuu Yimaaddo Goobtii uu Siyaasadda Kasoo Fuullay ee Wakiillada iyo Su’aalalaha Diyaarka Loola Yahay
Hargeysa:13-April-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa lagu wadaa inuu Maanta Hor yimaaddo Guddida Joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka, si wax looga Weydiiyo arrimaha shaqadiisa.
Kulanka ay Kooxda Joogtada ahi la lahaayeen Wasiir Samaale ayaa lagu waday inuu Maalintii shalay Qabsoomo, balse waxa uu u baaqday Cudurdaar ka yimi Dhinaca Wasiirka, kaas oo codsaday in Dib loogu dhigo.
Kulankan oo uu wasiirku ku ballan qaaday inuu Maanta oo Axad ah fulin doono, ayaa Haddii uu qabsoomo, waxa Wasiirka lagu weydiin doonaa Su’aalo tiro badan oo la xidhiidha shaqadiisa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen Goobo muran iyo culays ka taagan yahay oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Su’aalaha lagu wado in wasiirka la weydiiyo ayaa waxa ugu horreeyo muran Hadheeyey Wasaaradda Iyo Baanka dhexe ee Somaliland oo muddo soo taagnaa, kaas oo aan ilaa iyo hadda wax lagu xalliyey aan la garanaynin.
Sidoo kale waxa lagu wadaa in wasiirka wax laga weydiiyo arrimo la xidhiidha bal sida uu u socdo hannaanka dakhli ururineed ee Dalku, iyadoo ay jiraan culays cashuureed oo ay qabaan qaybo bulshada ka mid ahi.
S.D.N
Contact@qurbejoog.com