Wasiir Samaale Oo La Sheegay Inuu Dhameeyey Khilaafkii Shirguddoonka Wakiillada Iyo Cirro iyo Baashe Oo Shalay Golaha Wada Guddoomiyey
Hargeysa:29-Dec-2013(SDN)-Shirguddonka Golaha Wakiillada Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba Fiintu dhex miranaysay, isla-markaana, dacwaddoodu gaadhay Maxkamadda Sare, ayaa la sheegay in arrintoodii si hoose loo soo af jaray.
Khilaafka Shirguddoonka ayaa la sheegay in badidiisa la dhameeyey jimcihii ina dhaafay, markaas oo lagu kulan siiyey Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, waxana warar Hoose Qurbejoog.com u xaqiijiyee in Wasiir Samaale oo labada dhinacba saaxiib dhaw la ahaa, isla-markaana muddo ku soo jirey Shirguddoonku uu aakhirkii ku guulaystay inuu dhammeeyo xurguftii dhexdooda taallay.
Wasiirka ayaa la sheegay inuu si fiican oo Odaytinimo leh arrinta u galay, isagoo labadoodaba ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan oo Jaafaajiriga iska Daayaa, waxana taasi noqotay mid midho dhashay, gaar ahaan waxa Tanaasulka ugu weyn sameeyey Guddoomiye Baashe oo isagu ahaa ninkii Maxkamadda Geeyey khilaafka Golaha.
Sidoo kale waxa taasi caddaatay markii shalay Labada Guddoomiye soo fadhiisteen Fadhigii Golaha, iyagoo waliba iskaga kacay oo midba mar guddoomiyey, waxana taasi meesha ka saraysaa khilaafkii iyo Dudmadii ay ku kala maqnaayeen muddada.
Wali si rasmi ah looma shaacin hannaanka khilaafkooda loo dhameeyey iyo waxa laga yeelayo dacwaddii maxkamadda Loo Gudbiyey, waxase haatan ay u muuqataa in arrimahaas ciddii wadday ay tanaasul samaysay.
Haddii khilaafka Golaha sidaas lagu dhameeyo, waxa meesha ka bixi doono Yooyootankii inta bada dhex yaalay shirguddoonka oo caqabad ku ahaa Habsami-u-socodkii Golaha, waxana caadi ku soo Noqon doona wada tashigii iyo Wada Shaqayntii labada dhinac oo muddo maqnayd.
S.D.N