Wasiir Samaale Oo Dhacdooyin Filanwaa Ku Noqday Kala Kulmay Wakiillada Oo Uu Su’aalo Ugu Tegay
Hargeysa:3-Oct-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Maalintii shalay Golaha wakiilladu su’aalo ka waydiinayeen Odoraska Miisaaniyadda ayaa Halkaas kala kulmay Arrimo filanwaa ku noqday.
Wasiir samaale oo xilli horeba u soo dhiilo dhaansaday inuu Xildhibaanada ka jaahil saaro wixii ay su’aalo ka qabaan Miisaaniyadda qaranka ee uu Horkeenay, ayaa la kulmay Su’aalo Laddifan oo aan sidii uu moodayey ugu liqdaarmin, kuwaas oo uu durduro ku dhaafay.
Su’aalaha ka dib ayey Badiba xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Uga sacabiya Xubnaha xukuumadda ka socdaa, ay safaf u galeen inay Hadallo gaar gaar ah ku Boobaan wasiirka martida ahaa, waxana saxaafaddu arkaysay wasiirka oo ku garan la’ qaabkii uu ugu jawaabi lahaa xildhibaanadan wax soo biday.
Hadallada ay xildhibaanadani wasiirka ku boobeen oo u badnaa qaar xanshaashaq ah oo aanay dhegta ka fogi maqli karaynin, ayaa ay iska caddayd inay ahaayeen Hadallo shaxaad iyo wax weydiisi huwan, waxana dhacday inay xildhibaannada laftoodu is karhaan oo isku cidhiidhiyaan wasiirka agtiisa.
Xildhibaandan maalintii shalay wasiirka inay gacanta mariyaan u badheedhay, ayaa ahaa kuwa inta badan saaxiibka la ah xukuumadda ee dheriga lafaha kala baxa, kumana ay jirin xildhibaanada dibadwareegga ah ee kaliya ku nool mushaharkooda.
Dhacdadan ay maalintii shalay ku kaceen xildhibaanada Muxaafidka ahi, ayaa waxa ay muujinaysaa inay Golahani yihiin mid ku maxaafsada milgaha iyo magaca shacabka ee ay huwan yihiin, islamarkaana danahooda uga faa’iidaysta sidii ay hantida qaranka ee Boobka lagu hayo dhinacooda u qabsan lahaayeen.
Kooxdan xildhibaannada ah ayaa markii uu wasiirku kala hori kari waayey, waxa uu isagoo farta ku fiiqaya la arkayey isagoo Agaasimihiisa Guud u sheegaya inuu Raggan Hortiisa taagan Wax u xantoobiyo marka ay xafiiskiisa yimaaddaan, taas oo laga dhex dhadhansan karayey sida ay xildhibaannada Baarlamaanka ee maanta joogaa ugu mameen Gurashada Hantida umaddan Gaajada la xoodantay.
Wasiir samaale oo isagu ahaan jirey xubin ka tirsan Shirguddoonka wakiillada, ayaa maalintii shalay markii dhacdooyinkani agtiisa ka dhacayeen laga dareemayey wajigiisa yaab iyo u qaadan waa badan, waxana uu u ekaa nin is weydiinaya xilliga ay sidan u maamuus beeleen Xildhibaannadii uu waayo waayo Horjoogaha u ahaa ee uu dhexdooda ka kasbaday kartida uu ku noqday Wasiirka maaliyadda qaranka.
Tallaabadan ay xildhibaannada Hammuunta u qaba daldalashada Hantida qaranku maalintii shalay qaadeen, ayaa muujinaysa sida ay u luntay Haybaddii iyo sharaftii Baarlamaanku, waxana ay tani keenaysaa shaki iyo aaminaad darro loo aanaynayo Baarlamaanka Muddo dhaafay.
Waxa la is weydiinayaa mar Haddii ay kooxdani shacabka hortiisa ugu badheedhay inay wasiirka ku Hilgaadaan Su’aalo la xidhiidha inuu jeebadaha Gacanta u geliyo, waxa ay sameeyaan marka ay joogaan meelaha iyaga gaarka u ah ee aan cid kale ogayn.
Inkastoo aan isha saxaafadda iyo midda umadda kale ee meesha joogtay toonna qabannin wax lacag caddaan ah oo uu wasiirku gacanta ka geliyey kooxdan ku soo ururtay, Haddana waxa Hadallada Duulduulka ahi si cad u muujinayeen inuu wasiirku Xildhibaankii uu Hadalkiisa iyo Qaabka uu u baahi sheeganayo ku qanco uu ku ballaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, waxana Dhacdadaas si aad u la yaabbanaa xildhibaanno wali uu dhaqankii suubanaa ku sii hadhsan yahay oo aan u baranin inay qaabkaas wax u qaataan.
Xildhibaannadan maalintii shalay qisadan gacmaha kula jiray oo aanaan Magacaabaynin xaalladdan aynu haatan ku jirno darteed, ayaa ku suntan oo taariikhda ku galay magac xumo iyo karaamo darro gaamurtay oo ay u soo hooyeen Golaha ay ka tirsan yihiin, waxana ay taariikhda kaga jiraan Baal aan wanaagsanayn oo aanay Geyin marka loo eego magaca ay huwan yihiin.
Toddobaadkii dhamaaday ayuun bay ahayd markii xildhibaanada Golaha Wakiillada somaliland intooda badan lagu eedaynayey inay Safaf u galeen lacago la sheegay in madaxtooyadu u qoondaysay inay ku dhagarayso xildhibaanno markii hore ka guuxay xeerkii waddooyinka ee madaxtooyadu wadatay, waxana shacabku aaminsan yihiin in xildhibaannada Haatan Golaha ku jira intooda badani ay ay laaluush iyo lacago xaaraan ah markii dambe qaateen si ay u meel mariyaan xeerka waddooyinka oo celintiisa ay markii hore ku hanjabeen.
Baarlamaanka somaliland oo xilliyaddii xukuumaddii Rayaale lagu tilmaami jirey Gole waajibkiisa qaran guta oo aan qaadanin laaluushka loo lulo, ayaa tan iyo intii xukuumaddani talada dalka la wareegtay noqday kaliya magac u yaall, waxana uu caan ku noqday inuu si degdeg ah oo duuduub ah u meel mariyo shuruucda ay xukuumaddu u soo Gudbiso, taas oo la sheegayo inay ku dhacdo wax isweydaarsi iyo is qancin xukuumadda iyo Golaha u dhaxaysa.
Golaha haatan jira oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta, ayaa u muuqda qaar kaliya u jeeddadoodu tahay inay ka sii faroqabsadaan xoolaha umadda tabaalaysan inta yar ee xilliga loogu kordhiyey uga hadhay, waxana shacabku ay il gaar ah ku eegayaan Tallaabooyinka ay ku hawllan yihiin, mana muuqato wax rajo ah oo Haba yaraatee Hal xildhibaan oo ka mid ahi fursad ugu haysto inuu mar kale iskugu soo sharraxo Golahan uu Haatan ka tirsan yahay.
S.D.N