Wasiir qirtay in gacanta Muuse ku burburay dhaqaalihii Somaliland
Hargeysa April 09, 2023 (QJ) – Wasiirka Beeraha ee Somaliland Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland dhaqaalehiidii burburay ka dib taloxumida Muuse Biixi.
Wasiirka ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha ee Somaliland uu marayo in dalka uu haatan wejahayo cuno la’aan iyo mushahar la’aan ay sababeen hogaanka dalka la degay.
Wasiirku waxa uu sheegay in gubashadii suuqii weynaa ee Waaheen iyo in uu xirmey suuqii Wajaale oo labadaba aaney xukuumadu waxba ka qaban ay keeneen in maanta dalku gebi ka sii lusho.
Suuqii Waaheen oo dad badani qabaan in si badheedh ah loo gubay arrimo la xiriira qabyaalad ayaa hantidii dunidu u ururisayna madaxtooyadu lunsatay.
Cabdulqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Beeraha ee Somaliland ayaa sheegay inta yar ee ku hartay qasnadaha dawladana Muuse haatan u weecinayo dagaalka xaq darada ah ee Laascaanood.
Tan iyo markii Muuse Biixi weeraray deegaanka gobolka Sool, waxa gebi ahaanba joogsaday xiriirkii Ganacsi ee Somaliland la laheyd Soomalaida geeska, waxaana haatan cirka maraya ganacsiyada ka socda dekadaha kale iyo suuqyada kale ee dhulka Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, waxa weli si indho la’aan ah u socda taageerida iyo u dagaalanka Muuse Biixi oo talooyinkiisu haadaan ka sii tuurayaan Somaliland.