|

Wasiir Pakistani ah oo boqol kun oo Doolar dul dhigay cida dhisha qofkii sameeyay filimkii Diinta Islaamka lagu aflegaadeeyay iyo Xafiiska Raysal-wasaaraha dalkaas oo ka jawaabay

Peshawar 23, September 2012 (SDN)- Wasiir ka tirsan xukuumadda dalka Pakistan, ayaa sheegay inuu abaal-marin boqol kun oo doolar ah siin doono cidii disha ninkii sameeyay filimka rabshadaha dhaliyay ee lagu aflegaadeeyay Nabi Muxamed (NNKHA).

Sida uu faafiyay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, wasiirka Tareenada ee Pakistan Ghulam Ahmed Bilour, waxa uu shir uu saxaafadda ugu qabtay magaalada Peshawar ku sheegay inuu abaal-marin £61,600 Gini ah, una dhiganta $100,000 (boqol kun oo doolar) siin doono qofkii dila ninka filimkaas oo Maraykanka laga soosaaray sameeyay. “Waxaan walaalaha Daalibaan iyo walaalaha Al-Qaacida ku casuumayaa inay igala soo qaybgalaan hawlgalka barakaysan. Sidoo kale, kuwa kalena waa inay ku soo biiraan shaqadan wanaagsan, Illaaahay idamkiina weligii wuu guulaysanayaa (hawlgalka dilista ninka filimka sameeyay). Waxaan siin doonaa $100,000, cid kasta oo soo disha kuwa filimkan sameeyay,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu kooxaha Daalibaan iyo Al-Qaacida ku booriyay inay ugaadhsadaan soosaaraha filimkaas oo rabshado badan ka dhaliyay dunida Islaamka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pakistan ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay dhawaaqa wasiirkaas ee abaalmarinta loo balanqaaday cida disha kuwa filimka diinta Islaamka lagu aflegaadeeyay sameeyay.

Afhayeen u hadlay Raysal-wasaaraha Pakistan, waxa uu sheegay in dawladdu cambaaraynayso dhawaaqa wasiirku lacagta ku balanqaaday.

Dhawaaqani waxa uu ku soo beegmay maalin ka dib markii ilaa 20 qof ku dhinteen dibad-baxyo rabshado watay oo ka dhacay gudaha dalka Baakistaan, kuwaasoo lagaga soo horjeeday filimkaas Internetka lagu faafiyay.

Qurbejoog.com, Peshawar

Comments are closed