Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Madaxweynaha Hortiisa Shalay Ka Caddeeyey Sababta Uu Xukuumadda Dhexdeeda Uga Noqday Halyey Lama Taabtaan ah
Hargeysa:July,14,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maalintii shalay Munaasibaddii xadhiga Madaxweynunhu kaga jarayey Mashaariic uu Ka Hirgeliyey Garoonka iyo dhismaha wasaaradda ka yidhi Erayo u uu ku muujinayo doorka uu xukuumadda kaga jiro.
Wasiirka ayaa markii uu madaxweynaha u sharraxayey waxyaabaha xadhiga laga jari doono iyo Horumarka uu sameeyey, waxa uu Madaxweynaha Hortiisa ka yidhi erayo ka baxsan shaqada Meesha loo joogay, balse uu uu si dadban ugu muujinayey inuu Weerarrada Mucaaridka xukuumadda meel walba ka sheegi karo, isla-markaana ay taasi tahay sababaha aan loo hadal qaadin xilka uu qaranka u hayo marka la joogo aqalka madaxtooayda.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay erayo uu madaxweynuhu si weyn dhegaha ugu raaricyey, isla-markaana ku raaxaystay, maadaama lagu yaqaano madaxweynaha nin neceb in la dhaliilo ama wax laga sheego Nidaamkiisa hoggaamineed, iyadoo dadka badankiisu aaminsan yihiin inuu Madaxweyne Siilaanyo ninka Hoggaamintiisa dhaliila u yaqaanno nin cadow ku ah Noloshiisa.
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa u hollshadii ugu horraysay ee Hadalkiisa hareer ka dhaafay inuu sharraxo waxyaabaha uu qabtay ee xadhig-ka-jaristooda loo geed-fadhiyo, waxana uu markiiba ganay Fallaadh kulul oo uu u arkayey inay Gubayso laabaha mucaaridka, isla-markaana ay qaboojinayso Laabta iyo qalbiga madaxweyne Siilaanyo oo markaas isagu hor taagnaa Wasiirka.
Weedhaha uu wasiirku Taageerada Madaxweynaha ku kasbanayey,-isla-markaana is lahaa ku dullee Dedaalka Mucaaridka ayaa sidan u dhignaa, “Qolyaha Mucaaridka ahi markii aanu dhismayaashan quruxda Badan bilaabaynay, waxa ay odhan jireen Dhaqaxaan baa meel la iska dhigdhigayaa oo dadka waxba loo qaban maayo, markii aanu dhisamayaashaas quruxda badan samaynayna waxay yidhaahdeen Daaro qurux badani waxba tari maayaan oo Dadkii baa Bakhtiyaya”, waxana erayadani si toos ah ugu socdeen Madaxweynaha oo looga dhigayey farriin ah in wasiirka loo ogaado Doorka dagaal ee uu ku leeyahay xukuuumaddan Haatan ee Ammaanta iyo Libinta Hamuunta u qabta.
Hadalkaas markii uu madaxweynuhu maqlay, waxa muuqatay inuu ku farxay, isla-markaana uu qalbiga ka soo dhaweeyey, inkastoo aanay wasiirradii kale ee Garab taagnaa Badankoodu ku farxin, maadaama ay erayadaas uu wasiirku mucaaridka ku ganay ay iyagu jeclaan lahaayeen inuu madaxweynuhu afkooda ka maqlo.
Weedhaas kooban ee uu wasiirku ku ibo-furay Mashaariicdii xadhiga laga jarayey,ayaa loo arkayaa inuu ku ilaashanayo kurisigiisa, isla-markaana uu madaxweynaha ku dareensiinayo in marka uu maqan yahay iyo marka uu joogaba aanu ka gabanaynin weerarka iyo warmaha uu ku darandoorriyo qolyaha mucaaridka ku ah xukuumaddan haatan jirta.
Wasiir Maxamuud xaashi ayaa muddo afar sano ah xaatan xilkan hayey, walina lama maqlin xan sheegaysa inuu xilkiisu liiqliiqanayo,iyago sababtuna tahay Beesha oo ka soo jeedo oo Xukuumaddan Qayb-libaax ku leh iyo Hadallada Afmiishaanimadu ka muuqato ee uu sheego marka uu ka hadlayo xukuumadda iyo waxqabadkeeda oo uu sidii meel uu leeyahay oo kale ugu ammaano af iyo addinba.
Maxamud xaashi ayaa sida shaqada uu hayo ka muuqata qabtay shaqo fiican, isla-markaan wax badan Khalday, balse Madaxweynuhu waxa uuu ku qabaa Kalsooni, iyadoo taasina keentay inuu madaxweynaha Hortiisa Xilli ramadaan ah ku weeraro mucaaridka oo Maalmahan Goldaloolooyinka Helay Shaqadiisa xilli Maamulkii Hawada Somaliland u muuqdo mid ay muquunsadeen Dawladda Federalka Somalia,isla-markaana uu Haatan La’yahay Tabtii iyo Xeeladdii uu kaga soo furfuri lahaa.
Wasiirka Duuliska Hawada Somaliland Mudane Siciid Qoorsheel ayaa isagu dhawaan Sheegay inuu si rasmi ah ula wareegi doono Maamulka Hawada wixii la isku odhan jirey Somalia, waxana ay taasi laf dhuun gashay ay ku noqotay Wasiir Maxamuud Xaashi oo xataa Safarro uu dalka dibadda ugaga Baxay Faro Madhan kala soo noqday.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Duulista Somaliland maalintii shalay waxa uu isticmaalay Weedho uu ku muujiyey inuu yahay Ilaaliyaha xukuumadda Siilaanyo ee dhinaca Mucaaridka, isla-markaana uu si Hagar la’aan ah madaxweynaha ugu yahay Gaashaan ka hor istaaga Gantaal kasta oo lagaga soo Gano Dhinaca Axsaabta Mucaaridka ah oo aanu Madaxweynuhu xamili Karin Naqdintooda.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com