|

Wasiir Maryama Qaasim oo la Kulantay Haweenaydii ay Kufsadeen Amisom

Muqdisho 17.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Dr Maryan Qaasim oo madax u ah guddi ay dowladda u xil-saartay baarista haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidamada AMISOM ayaa maanta hoygeeda ku booqatay dhibbanaha.

Wasiirka oo hor-kacaysay xubno ka tirsan guddigeeda ayaa sheegay inay xog-wareysi la yeesheen haweeneyda, iyadoo intaa ku dartay in baaritaanku uu yahay mid billow ah, isla markaana ay sii wadi doonaan xog ururinta, marka ay xog ku filaan helaanna ay soo bandhigi doonaan.

Waxay sheegtay in sharciga la hor-gayn doono ciddii ku lug-yeelata kufsiga gabadha, si loo xaqiijiyo caddaaladda.

Maryan Qaasim waxay beenisay warbixinno sheegaya in 10 kii haween 9 ka tirsan lagu kufsado Soomaaliya, taasoo ay ku sheegtay inay tahay ka bad-badin iyo meel ugu dhac sumacadda ragga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii magacawday guddigan baara arrinta gabar sheegtay inay kufsadeen ciidamada AMISOM, taas oo sida ay sheegtay lagu waxyeelleeyay xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed