Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho oo kulmay
Muqdisho May 26 2013 (SDN)– Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho Danjire Fuad Mohamed Al-zurqah , iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo fududeynta qaabka maraakiibta Soomaaliya ee fadhida dekadda Cadan loogu soo kaxeyn lahaa dhanka Caasimadda Muqdisho .
Wasiir kuxigeenku , wuxuu muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay maraakiibtaasi dib u keento dalkeeda , si loo howlgaliyo , loona dayactiro , isagoo rajeeyay in lagu guuleysan doono , xalna loo heli doono arrimaha kale ee taagan .
Eng. Maxamed Aadan , waxa uu kala hadlay Danjire Fuad Mohamed Al-zurqah qaabka ugu haboon ee dowladaha Soomaaliya iyo Yemen ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh , iyadoo la ogsoon yahay in Labada dal ay ka dhaxeyso taariikh ilbaxnimo oo qoto dheer .
Kulankan , oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Yuusuf Cali Maxamed “ Afgooye” , ayaa ku dhamaaday jawi isfaham leh.
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda