|

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka oo Kulan La Qaadatay Mas’uuliyiin ka Socday Cisbitaalka Maxamed Aadan sheekh

Wasiir u xigeenka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Marwo Nimco xuseen qawdhan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay mas’uuliyiin ka socday hay’adda gacanta ku haysa cisbitaalka caruurta ee Maxamed Aadan sheekh ee Magaalada hargeysa.

nimcoMas’uuliyiintan oo ka soo kicitimay magaalada Turino ee dalka talyaaniga ayaa maalmahii u dambeeyey ku sugnaa dalkan JSL iyagoo qiimayn ku samaynayey qayb cusub oo cudurada wadnaha ah oo cisbitaalka caruurta lagu kordhin doono.

Wasiir ku xigeenka caafimaadku waxay uga mahadcelisay dadweynaha Talyaaniga iyo xukuumadoodaba sida ay uga go’an tahay inay Somaliland ka caawiyaan dhinaca caafimaadka, halka sidoo kalena ay ugu baaqday bulshada Somaliland inay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka bulshada gaar ahaan ka caruurta.

Labo ka mid ah khubarada caafimaad ee talyaaniga ah oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in 50% cudurada ku dhaca caruurta Somaliland lagu xallin karo daaweyntooda cisbitaalkan gudihiisa.

Sida la ogyahay Cisbitaalka caruurta ee caasimada hargeysa waxa uu ka mid yahay cisbitaalada laga hirgeliyey dalka mudadii labada sano ahayd ee u dambaysay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed