|

Wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha dibedda Somaliland oo xilkii la wareegay

Hargeysa Mar 17,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland Md Maxamed c/laahi cumar ayaa maanta si rasmi ah xilkii loosoo igmaday ugu wareejiyey wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda md mawliid maxamuud ibraahim.

Munaasibada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaaradda ayaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi cumar waxa uu xilkii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ku wareejiyey.Wasiir ku xigeenka cusub Md Mawliid Maxamuud Ibraahim, iyadoo wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Md Maxamed Yoonis Cawaale dalka dibadda kaga maqan yahay .

Geesta kale, waxa isla madashaasi xil wareejinta ka dhacday uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, isaguna xilii ku wareejiyey guddoomiyaha hay’adda xidhiidhka qurba joogga Somaliland oo dhawaan madaxweynuhu u magacaabay md maxamed c/raxmaan, isagoo masuulkii jagada uga horeeyey oo hore xilka looga qaadayna uu goobtaa ka maqnaa.

Wasiirka arrimaha dibadda dr maxamed c/laahi cumar hadal kooban oo uu masuuliyiinta xilka la wareegay u jeediyey ayaa ka mid ahaa hadalkiisa in ilaahay xilka loo igmaday u fududeeyo, waxa munaasibadda xil wareejinta yana ka soo qeyb galay shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed