|

Wasiir ku Xigeenka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Bulshada oo Madal lagu soo dhawaynayay Maanta loo sameeyay

Hargaysa 01.July (SDN) Madax dhaqameedka Caasimada Somaliland qaarkood iyo waxgarad kale ayaa manta munaasabad maamuus oo soo dhoweyn ah u sameeyey wasiir ku xigeenka Cusub ee wasaaradda Arimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen Madaxda ururada Haweenka Somaliland, xubno ka tirsan golayaasha Qaranka, salaadiin, aqoonyahano iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa hadal ka jeediyey Suldaan MaxamuudSuldaan Axmed Sheekh oo ka waramay shaqsiyadda hawlkarnimo ee marwo shukri Xaaji Ismaaciil iyo shaqooyinkii muhiimka u ahaa dalka iyo dadka ee ay soo qabatay, waxana uu ugu duceeyey in ilaahay la garab galo xilka loo magacaabay halka uu suldaanku sidoo kale  madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey xilka uu u magacaabay qofkii ku haboonaa.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka mid ah Golaha wakiilada Somaliland ayaa isna sidoo kale ilaahay uga baryey Marwo Shukri Xariir Ismaaciil in ilaahay la garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Gudoomiyayaasha Daladdo haweeneedka Somaliland ee  NOW & NEGAAD Marwo Aniisa Nuur Cigaal iyo Marwo kaltuun Xasan oo labadooduba munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ka dhabeeyey ballanqaadkii ku saabsanaa kaalinta haweenka ee xukuumadiisa iyadoo ay ilaa hadda afar xubnood ka mid yahiin golaha wasiirada Somaliland,

Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa xafladaasi ka balanqaaday in aanay waxba ka hagran doonin shacabkeeda iyo wadankeeda, isla markaana ay ku dadaalayso dhiirrigelinta haweenka eek a qayb galka siyaasadda.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed