|

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo ku dhaliishay Maxkamadaha iyo Booliska sida ay uga hawl galaan Kiisaska Kufsiga

 

 

Hargaysa 26 Dec (SDN) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka furtay Huteel Imperial Kulan hawleed ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah Lamaanaha iyo Caruurta .

Kulankan Waxaa kale oo ka soo qayb galay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,Agaasimaha Xafiiska Baahi Koob,waxaana ka qayb qaadanayay Ururada Bulshada,Madax dhaqameedka, iyo Sarkaal ka socda Hay’ada Undp.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo madashaasi ka hadashay ayaa ka warantay dhibaatooyinka loo gaysto Haweenka iyo Caruurta ee Xadgudubka ku ah Xuquuqda aadamaha, Wasiirku waxa ay Xustay in wax laga Xumaado ay tahay Kufsiga oo ku soo badanaya Wadanka isla markaana uu dhiirigalinayo ayay tidhi dhaqanka Bulshadeena ,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadku waxa ay nasiib daro ku tilmaantay in Maxkamadaha iyo Saldhigyada Boolisku aanay sidii la rabay uga garniqin Kiisaska Kufsiga ah ee  loo gaysto haweenka iyo Caruurta.

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxa ay gabo gabadii Sheegtay in loo baahan yahay sidii la isaga kaashan lahaa cidhib tirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Aadan Axmed Muuse ,Agaasimaha Xafiiska Baahi Koob Mr Axmed Daahir,C.salaan Axmed oo ka tirsan hay’ada UNDP iyo Madaxa Xafiiska Baahi Koob C/qaadir Axmed,Qaar ka mid ah Madax dhaqameedkii kulankaas ka qayb galay.

Hargaysa SDN

Comments are closed