|

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha oo Tababar u furay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliska

Hargaysa 14.April (SDN) Wasiir-ku-xigeenka  Maamulka ee Wasaarada arimaha Gudaha JSLand Mud, Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta tababar ku saabsan kor u qaadida aqoonta ciidanka Booliska ee dhinac-yada Baadhista dembiyada iyo  maamulka uga furay   Lix iyo sodon xubnood oo ka kala socda Ciidanka Booliska ee Gobolada dalka  Huteel Ambasatoor ee Magaalada Hargeysa.

Furitaanka Tababarkan oo ay ka soo qayb galeen  Taliyaha Ciidanka Bilayska S/Land S/Guuto C/llahi Fadal Iimaan,Agaasimaha Horumarinta Gobolada iyo degmooyinka  ee Wasaarada Arimaha Gudaha, waxa  hadal ka jeediyay  Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto C/llahi fadal Iimaan, Waxaana  Taliyuhu faah faahin ka bixiyey ujeedada tababarkan iyo faa’iidooyin uu u leeyahay Ciidanka Booliska, isla markaana  Tababarkani uu yahay Kii labaad  ee xubno ciidanka Booliska ka tirsan  loo furo si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka  ee dhinacyada baadhista dembiyada iyo maamulka.

Waxa kale oo uu Taliyaha Ciidanka Bilayska S/Guuto C/llahi fadal  Iimaan intaa ku daray in ujeedada  laga leeyahay tababarada noocan oo kale ah ay tahay sidii loo  kob-cin lahaa kor-na loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka Booliska S/land.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Mud, Cismaan Garaad Soofe, oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocan ahi ay faa’iidooyin badan u leeyihiin  Ciidanka Booliska. Waxaanuu wasiirku xusay in , xubnaha tababarku u furmay mudada tobanka maalmood ah ee uu  socdo  ay ku  baran doonaan duruus la xidhiidha  daba galka iyo baadhista dembiyada Culus .

Waxaanuu wasiir ku xigeenku kula dar-daarmay xubnaha tababarku u fur-may in aqoonta ay halkan ka korodh-sadaan ay kula noqdaan goboladii ay ka kala yimaadeen,ugana faa’iideeyaan   Qaranka iyo shacab-ka ay  u adeegayaan.

Hargaysa SDN

qurbejoog.com

Comments are closed