Wasiir ku Xigeenka arrimaha Gudaha oo Furay Shir Wada Tashi ah oo ku Saabsan Mashruuca horumarinta Dawladaha Hoose
Hargaysa 31.March {SDN} Wasiir ku xigeenka Maamulka ee wasaarada arimaha Gudaha Mud, Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta kulan hal maalin ah uga furay Magaalada Hargeysa maayerada iyo Xog-hayayaasha Fulinta ee Todoba degmo oo uu ka socdo mashruuca GPLG ee Dawladaha Hoose.
Kulan-howleedkan oo ku saabsan sidii looga arinsan lahaa howlaha mashruuca GPLG iyo sida uu degmooyin-kaasi uga shaqeeyo.
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe oo hadal uu ka jeediyey furitaankii Kulankaas ayaa ka warbixiyay mashruuca GPLG, kaas oo uu sheegay in uu la xidhiidho maamul daadejinta, waxaana wasiir ku xigeenku xusay, in fidinta maamul daadejinta iyo Hirgalinteeda ay wasaarado badani ka shaqeeyaan,balse ay dhiman tahay siyaasadii ay ku wada Hawlgeli lahaayeen Hayadaha qaybta ka ah howsha maamul daadejinta.
Mud, Cismaan Garaad Soofe, waxa uu intaa ku daray in kulan maalmeed-keen lagu falanqayn doono , siyaasadii ay ku wada shaqayn lahaayeen wasaaradaha uu mashruucani kulmiyo.waxaana uu ka qayb galayaasha u soo jeediyey inay kulan-kan ka soo saaraan wixii talo iyo khibrad ah ee ay ku kordhin lahaayeen hanaanka wada shaqaynta iyo doorka la kala leeyahay .
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com