Wasiir Khadiijo Diiye oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho
Muqdisho December 21, 2023 (QJ) -Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay xabaalaha isbitaalka xoogga dalka ee magaalada Muqdisho Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Salaad Janaaso ah ayaa lagu tukaday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowladda, mas’uuliyiin, iyo dadweyne badan.
Dadkii ka qeyb galay salaadda Janaasada ayaa si wada jir ah Alle uga baryay in uu u naxariisto, una dambi dhaafo Khadiijo, waxaana ay tacsi u direen qoyskii, qaraabadii, iyo shacabka Soomaaliyeed.
Marxuumad Khadiijo Diiriye ayaa muddo ka badan 20 sano soo qabatay xilal kala duwan oo dowladeed, waxayna muddooyinkii dambe ahayd Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.