Wasiir Keyd: Aqoonsiga ayaa ka horeeyay Itoobiya oo hesha Saldhig Ciidan
Paris March 15, 2024 (QJ) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku guda jiraan dhammaystirka is-afgaradkii ay wada gaadheen.
Wasiirku waxa uu xusay in heshiiskan uu yahay laba qodob oo muhiim ah oo ay tahay in bulshadu la socoto, balse ay rajaynayaan in la dhamaystiro heshiiskaas oo faa’iido u leh shacabka Somaliland, isla markaanka aan laga qoomameyn
Waxa uu intaa raaciyay wasiirku hadii Itoobiya aaney aqoonsan Somaliland in aaney iyana heleyn 20 km oo bada Somaliland.
Wuxuu ku nuux-nuux saday in isfahamka labada dhinac uu yahay heshiis labada dhinac ah, balse guddiyada khubarada ah ee labada dhinac ay hadda ku hawlan yihiin sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska, isagoo tilmaamay in dhinacyo badan ay wax ka bedeli karaan, sida waqtiga iyo sida ay Itoobiya uga qayb qaadan karto dhaqaalaha.
Wasiirku waxa uu caddeeyey warar tilmaamaya in shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Jabuuti ka dhacay ay ka soo baxeen go’aankii Somaliland ku gaadhay Addis Ababa, isagoo xusay in ka hor kulankii Jabuuti ay Somaliland gogol-xaadh u sameysay is-faham dhex mara Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo muddo dheer soo socday.
Guddidii heshiiska u qaabilsanayd dhinaca Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay socdaalo ku marayey deegaamo ka tirsan xeebaha Somaliland, kuwaas oo kulamo la yeeshay bulshada ku dhaqan magaalooyinka Berbera, Ceel Sheekh, Boorama, Lughaya iyo gobollo kale.