Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda oo Cunsuriyad Ku Kala Soocaya Saxaafadda Madaxa Banaan
Boorama Nov 01,2012(SDN/Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dembeeyey la soo baxday hab dhaqan ay ku cabudhinayso Saxaafadda Madaxa banaan ee ka hawl gasha dalka gaar ahaan gobolka Awdal.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa magaalada Boorama ka bilaabay hawl gal uu ku kala soocayo Weriyayaasha ka hawl gala hay’addaha warbaahinta madaxa banaan, isaga oo qaar kamid ah ugu cago jugleeyey xadhig halka kuwo kalena uu ka soo ashkateeyey Masuuliyiintooda sare.
Tallaabadan oo wasiirku qaab cunsuriyadaysan u bartilmaameedsado Weriyayaasha aan ka amar qaadan ama u hoggaansami waaya nidaamka guulwadaynta ah ee dawladda ayaa qaarkood xabsiga loogu taxaabay bilihii u dembeeyey, halka kuwo kalena uu ugu cago jugleeyo inuu shaqada ka eryi doono isaga oo u soo dhex maraya masuuliyiintooda sare.
Sida ay ku soo warramayso Weriyaha Wargeyska Hubaal ee gobolka Awdal Fihiima Yaasiin Muuse, Wasiir ku xigeenka ayaa labadii toddobaad ee u dembeeyey handadaad u geystay qaar kamid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama isaga oo ka damqaday warar ka dhan ah Xisbiga KULMIYE oo ay ka baahiyeen.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Cali Xaamud Jibriil uu si gaar ah u ugaadhsado xubnaha aan ka soo jeedin beesha ay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka soo jeedaan ee Maxamed Cashe/Samaroon.