Wasiir ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo Gaadhigiiisi Laag Biyo Mareen oo Madaxtooyada u dhow ka Tuuray
Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Cilmibaadhista iyo Tignoolajiyada ee Somaliland Md. Aadan Axmed Warsame ayaa saaka gaadhigiisu kula qalibmay jidka u dhaxeeya Madaxtooyadda iyo Taliska ciidanka Asluubta, shilkaas oo sababay in uu gaadhigii ka shalwado laagta dhinaca barri ka marta maktabada Masaarida.
Shilka oo dhacay saaka markii uu wasiirku u shaqo tagayey xafiiskiisa illaa hadda lama oga khasaaraha ka soo gaadhay in uu leeg yahay, hase yeeshee waxa wali ku jira gaadhigiisii oo burburay, waxaana gacanta ku watay wasiir Md. Aadan Axmed Warsame laftiisa.
Lama oga sababta shilkan uu wasiirku galay dhalisay hase yeeshee waxay u muuqataa in uu wasiiru ka fikirayey hawlo kale halka aanu ka wadan dirawalkiisii ee uu isagu labada hawlood ba isku waday.
Wasiiradda Somaliland ayaa inta badan gawaadhida kaxaysta isla markaana dirawaladooda shaqo tira, halka ay ka ahayd in ay ku eekaadan shaqooyinkooda, sidoo kale ilaaladooda ayay inta badan kaga tagaan guryahooda ama suuqa isla markaana ay ku mashquulaan hawlihii ay kuwaasi u qaban lahaayeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com