|

Wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegay in Fulin la’aanta go’aanada Maxkamadda ka soo baxaa yihiin mid Bar-madow ku ah Xukuumadda uu ka tirsan yahay

Hargeysa 10, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka cusub ee Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa daboolka ka qaaday in fulin la’aanta go’aamada maxkamadaha dalku gaadhaan dhibaato wadanka haysata.

Wasiirka oo shalay hadal ka jeediyay shir lagaga hadlayay arrimaha Garsoorka iyo Caddaalada oo ka furmay Hargeysa, waxa uu sheegay in fulin la’aanta go’aanadaasi ay tahay bar-madow oo ku taal xukuumadda uu ka tirsan yahay. “Dadkeennu caddaaladda ma aaminsana. Waxay aaminsan yihiin inay wax bixiyaan, hadduu wax waayona waxa u odhanayaa ‘waa la iga eexday, dadkii baa iga eexday.’ Soomaalidu waxay tidhaa ‘gari laba nin kama wada qosliso.’ Gar haddii la qaado cid uun baa helaysa. Waxaan idinku boorrinayaa masuuliyiinta shirkan caddaaladda loo qabtay inaad maskaxdiina u furtaan inay ummaddu innaga sugayso dhammaanteen caddaalad, in caddaaladda aynu wax ka qabano Ilaahayna wuu innagu eegayaa, waa inaynu had iyo jeer ku fikirnaa inaynu ummaddeenna caddaalad ugu xaqsoorno,” ayuu yidhi.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland, waxa uu tilmaamay xasaasiyada ay leedahay haddii la fulin waayo go’aamada ay maxkamaddaha dalku sosaaraan. “Dhibaatada ina haysataaa waxa weeye, maxkamaddu hadday go’aan xukunto, fulintiisiiba adag, arrintaasina waa arrin xasaasi ah. Waa inaynu talaabo adag ka qaadanaa fulinta go’aanada ka soo baxa maxkamadaha, go’aan kasta oo la fulin waayana waa mid xukuumadda bar-madow ku ah. Sidaa darteed, waa inaynu ka fikirnaa oo ku dedaalnaa dhamaanteen in fulinta go’aamada maxkamaduhu noqdaan kuwo dhaxal-gal ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Garaad.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed