|

Wasiir ka mid ahaa Xukumadda Puntland oo taageeray shir mamul loogu dhisayo SSC oo Nairobi ka Socda Iyo Aamusnida Somaliland DAAWO

Nairobi, 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee wasaradda Qorsheynta xukumadda Cabdiweli Cali Gaas mudane Cali Axmed Faatax ayaa soo dhaweeyay shirka Nayroobi ka socda ee mamulka loogu samaynayo gobaladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

sscFaatax oo guddiga shirka wada xubin ka ah ayaa shir jaraa’id uu saxaafada u qabtay wuxuu ku faah faahiyay dareenkiisa shirka wuxuna sheegay mudo badan dadka deegaanadaasi degan ku taamayeen sidii ay u heli lahaayeen maamul iyaga matala, wuxu uu sheegay shirka markuu dhamaado in howsha soo hadha lagu qaban doono Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayuu ka codsaday inay taageero siiyaan dhismaha mamulkan.

Shirka mamulka lagu dhisayo waxaa ku sugan masuuliyiin kala duwan oo Sool, Sanaag iyo Buuhoodle kasoo jeeda, waxaana ka mid ah madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Masuulkan oo kasoo jeeda Gobalka Sanaag ayaa ka mid ahaa qurba joogtii dibadda ka timi ee madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas xilka u magacaabay, balse isku shaadheyntii ugu danbeysay uu xilkiisa ku waayay.

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iminka ka hadal Maamulka la sheegay in Nairobi loogu soo samaynayo Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle,Maadaama Goboladaasi ay Juquraafi ahaan ka Tirsan Yihiin Somaliland.

Comments are closed