|

Wasiir Hore Ugu Tirsanaan Jirey Xukuumaddii Udub Oo Dhaliilo U soo Jeediyey Mucaaridka Somaliland

Hargeysa:17-Nov-2013(SDN)-Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare oo Hore u ahaan jirey wasiir ka tirsan Xukuumaddii Burburtay ee Udub, ayaa sheegay in mucaaridka Somaliland maanta ka jiraa yahay mid aan qaangaadhin oo wax badani ka dhiman yihiin.

dhoolayareAadan Dhoollayare oo soo saaray Qoraal Dheer oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa  ku tilmaamay mucaaridka Somaliland kuwa  u baahan inay koraan oo wax badan korodhsadaan, isla-markaana u diyaar garoobaan sidii ay u garan lahaayeen Doorkooda mucaaridnimo, isagoo sidoo kale cambaareeyey dhacdadii isku dayga dilka ahayd ee dhawaan loo geystay mujaahid Maxamed Kaahin.

Qoraalka Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa udhignaa sidatan:

“Waxaan jecelahay,inaan qormadan ku soo qaato laba arimood oo beryahan dambe ku jiray warbaahinta ,majlisyada iyo goobaha lagu kulmo dabcan goobahaasi maaha dalka gudihiisa oo keliya waxaa la wadaaga meel kasta oo ay joogaan reer Somalilaand .weynu garan kara kolay hadana waxaa  doodahaas ka qayb qaata Somalida kale.

 Waxaan marka hore cambaaraynaya falkii foosha xumaa ee lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin,oo runtii ahaa waxay shacabku ka cadhoodeen,Xukuumadana waxaan u soo jeedinaya inay gacan bir ah ku qabato arimaha noocaas oo kale ah.

Qodobka labaad.waa dooda ka soocota dalka ee ah arrin aan weli magac laysku raaco lahayn marba wax loogu yeedho,Dood qaran,talo qaran, shir qaran.Waxay ka soo bilaabatay taladii ay soo jeediyeen odayaashii la baxay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka,imakana fikirkii ku soo xawilay axsaabta mucaaradka.Waxaad ku arkaysa warbaahinta mucaaradkii oo ka gubanaya arintan oo leh been abuur ayaa nalgu sameeyay oo xataa masuuliyiinta ku hadlaya afka mucaaradku midba magac ku sheegayo qaar waxay leeyihiin dood qaran kuwa kale shir qaran ,talo qaran.

Waxaad garan karta inaanu jirin wax laysku raacsan yahay oo qoloba magac bay ku sheegaysa taasi waxay keentay jahawareer ka dhashay shacbka dhexdiisa.

Taas macnaheedu waxaa la dareemi kara inaan si fiican loo lafo gurin layska arag u-jeedada waxa ay doonayaan mucaaradku iyo waxa ka dambeeya.

Waxa aynu ognahay waajibaadka ay cid walba ku leedahay dastuurka  waxa mucaaradka ay tahay doorkoodu inay dhaliilaan,soo jeediyaan,cambaareeyaan talooyin u soo jeediyaan xukuumada laakiin haddii ay xukuumadu ka hoos qaadi weydo xaq uma laha inay ku qabsadaan midida daabkeeda xukuumada .

Waxaan xukuumada xaq loogu lahayn in lagu qabsado kaalinteeda taladana loo daayo wakhtiga uu dastuurku siinayo,taladana lama wada laha ee cidbaa loo dortay innagana waxaa inagu waajib ah in lagu ixtiraamo madaxweynaha iyo xukuumadiisa .

Haddii aan laysku qadarin kala dambaynta oo aan is idhaa layma dhaamo  waxa aynu gelayna khal khal.Ha fahmaan mucaaradku doorkooda,waxaynu ognahay in  wax badan ka dhiman yihiin mucaaradka loogana fadhiyo wax ka balaadhan inay soo bandhigaan waayo waxa shacabku tebayaan kaalintii mucaaradnimo.

Waxaynu ognahay in shir gudoonka baarlabaanka looga fadhiyo inay hawlgeliyaan golaha oo ay dhamaystiraan sharciyo fara badan oo qabyo ah sida xeerka caasimada, bangiyada,doorashooyinka lama tiring karo.

Waxaan ku soo gaba gabynaya mucaaradku ha ku ekaadaan soo jeedintooda taladana ha u daayaan xukuumada ,dabcan mucaaradku way qabsan karaan shirar u gaar ah oo ay kaga doodaan kolba wixii ay dan moodaan oo ay talooyin ka soo jeedin karaan iyo qoraalo laakiin xukuumada kuma qasbi karaan inay qaadato fikirkooda.

Xukuumadana waxaan u soo jeedinaya,dal aan lahayn mucaarad ma houmaro dhaliilahoodana wixii loo arko macquul ee ka dhiman xukuumada”.

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed