Wasiir Hadliye oo ka qeybgalayo shirka ururka Iskaashiga Islaamka
Kuwait 27.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku sugan dalka Kuwait, halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir ay isugu imanayaan dalalka xubnaha ka ah ururka Islaashiga Islaamka.
Shirka oo Arbacada maanta ah furmayo, waxaa isugu imanayo wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka.
Waxyaabaha shirka looga hadlayo waxaa kamid ah xaaladaha dalalka Soomaaliya, Suuriya , Yemen , Libya, Falastiin iyo dhibaatada heysato Muslimiinta Rohingya.
Dalalka ka qeybgalayo shirka ayaa sidoo kale, isla soo qaadi doono iskaashi laga yeesho amniga, dhaqaalaha iyo teknaloojiyada.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa ka hadli doono hormarka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, iyo sida wali loogu baahan yahay gacan ururka Iskaashiga Islaamka uu ka siiyo dowladda, maalgashi iyo abuuritaanka mashaariic dadweyne.