WASIIR FASHILMAY IYO BAARLAMAAN U SHARCIYEEYEY
Tan iyo markii xilka loo dhaariyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah, waxa soo baxayey eedeymo loo jeedinayey go’aamadiisa ku aadanayaa maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka iyo waaxyaha Wasaaraddiisa.
Eedeymahaasi waxay ka imaanayeen Bulshada qeybaheeda kala duwan, Syaasiyiinta, Duubabka, Bulshada Ra’yidka ah iyo xataa Beeluha oo tiisu ku jirto, iyagoo qalabka warbaahinta soo marinayey waxyeelada iyo saameynta go’aamadaasi ku yeesheen arrimaha Nabadgelyada iyo wada noolaansha Bulashada. Odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan si cad ayey diideen in maamul loo soo magacaabo, hadana Wasiirku waa uu magacaabay. Maxaan loo tixgelin dhaqanka, sideese ayuu ula shaqeynayaa ka la magacaabay Dhaqan diidan.
Xubno golaha Shacabka ka tirsan ayaa qeylo dheer ku lahaa, waxa uu jebiyey shuruuc badan oo loo dhigay maamul u sameynta Gobollada iyo Degmooyinka oo waxay gaar ula soo baxeen Gobolka Hiiraan, Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ay aheyd in doorasho degaameed lagu buuxiyo jagooyinka kala duwan ee goobahaas, keenayna in xukuumadda askar badani ay ugu dhimato (Balcad).
Sidoo kale, Wasiirku gobollo dhowra oo uu nabadeen u tegay, fashal ayuu kala soo noqday, sida Gobollada Baay iyo Galgaduud oo uu awoodi kari waayey inuu ka raarido siyaasadda dowladda ee ku aaddan Rukumada Dowlad Dhexe illaa meelaha qaarkood carro iyo diidmo lagala hor-yimaado Madaxweynaha iyo Wasiirka Kowaad, markii ay isku dayeen inay xallilaan mushkilad ay aheyd inuu isagu damiyo.
Maamul U Sameyntiisii Muqdishu
Lama garan faa’idada ku jirta in Maamuladdii Gobolka Banaadir subax albaabka la tuso, haddiibase ay aheyd Siyaasad Xukuumadeed, Wasiirka waxa la gudbooneyd inuu warbixin ka diyaariyo, qeexeysa faa’idada iyo khasaaraha, kadibna horgeeyo, si uu uga eed la’aado haddii wax xumaadaan.
Dhibaatada ugu soo hormartay ee go’aankaas laga dhaxlay, waxa kow ka ah, Guddoomiyeyaashii la casilay oo noqday Mucaarad gilgilay jiritaanka Xukuumadda iyo dowladda oo waa kuwa taageeray Xildhibaannada Baarlamaanka ee Madaxweynaha ka dalbaday inuu xilka banneeyo, taasoo kalliftay in Madaxweynuhu la casheeyo, iskuna dayo inuu xaaladda dejiyo, iyadoo wararka la helayaa ay sheegayaan inayan weli qanacsaneyn. Miyaaney mas’uuliyaddiisa aheyn inuu ka digo dhacdadan iyo malaha kuwa kale oo na soo haya/?.
Mucaaradadaas xoogga le, ee laga muujiyey go’aamada jah-wareerka dhaliyey ee Wasiirka, waxay Xildhibaannada Golaha Shacabka khasab kaga dhigtay inay u yeeraan oo madlaan Wasiirka, si uu uga jawaabo guuxa Bulshada qeybaheeda kala duwan ka imaanayey. Ma doonayo inaan waqtiga idiinka lumiyo dooddii dhex martay Wasiirka iyo Xubnaha Golaha oo saad ka war-qabtaan aheyd mid aad u kulul oo Wasiirka aan xataa lagala gabban inuu is-casilo, ayaa natiijadiise waxay noqotay in lixdan (60) xubnood ay soo jeedin (motion) ka keenaan Wasiirka, codna loo qaado masiirkiisa Wasiirnimo. Codka natiijadiisii waxay noqoday in Wasiirku shaqadiisa sii wato, oo ka dhigan khalad ma jiro. Waa is-burin Golaha Dhexdiisa ah oo u baahan inay ka qanciyaan shacabka.
Ma qiimeynaa wax qabadka Golaha Shacabka?
Waxan hubaa in qiimeyntoodu u baahantay Qormo u gaara, hayeeshee, markan waxan ku gaabsaneynaa niyad-jabka iyo quuska Bulshada Somaaliyeed uu go’aankaasi dhalaxsiinayo, mar haddii Golohu doodahiisa ku qiray in Wasiirku jebiyey sharciga, hoggaamintiisana uu shaki geliyey. Waa caado aan la gareyn goorta aan fahmi doonno in burbur iyo baab’a maamuleed wax aan aheyn laga dhaxleyn, mas’uul xilka la kufay oo haddana loo sharciyeynayo.
Waxa nasiib-darro ah muddo laba sano iyo kadib, inuu Golaha shacabku qaadan kari waayo soo jeedin qura oo mas’uul fashilmay jagada looga eryayo oo aan ka aheyn xukuumado leysku beddelo oo dano Siyaasadeed ka dambeyaan.
Waxad Gole Sharci dejin iyo toosin siyaasadeed iyo maamulba u tihiin, Dal gees walba duulaan looga yahay, Dadku dhibta weheshado, qarka u saran in kuwii lahaa taladiisa laga wareejiyo ( haddaan horaba looga wareejin),mashruucna u ah Duni kheyraad boobku maskax maray oo aan waabaneyn.
Waxa idinka buuxa kuwo danahooda Siyaasadeed, dhaqaale iyo Beeleed hoggaamiyaan oo aan xeerineyn danta iyo xaaladda la marayo. In xaalku sidaa yahayna waxa daliil u ah go’aan la’aantiina arrimaha Siyaasadda, Ammanka ama Dhaqaala oo saameyn waxtara ku yeelan lahaa nolosha dadka.
Waxad hadda kiciseen (qaarkiin) xiisad siyaasadeed oo dalka ka duwi karta tubtii siyaasadda ee lagu gaari lahaa doorshada 2016ka, oo runtii ah dhalanteed , xataa haddaaney xiisaddani kacdeen, una faa’ideyneysa shisheeyaha awalba ka shaqeynayey in xaaladdan mashruuca ah lagu jiro. Waxad ogaataan in ‘ KARIS XUMA AY DHINACEED KA QATANTAHAY’. Haddii la waayo waddanka waa nagula jirtaane ogaada.
Xildhibaannadii lixdanka gaaray(60) ee soo jeedinta ka keenay Wasiirka, codeyntiina hoos ugu dhacay siddeed iyo toban (18)Xildhibaan, waxay muujineysa sida baaxadda le ee danaha Siyaasadeed, dhaqaale iyo Beeleedba u hoggaaminayaan go’aamada Golaha, koox tiro yarina ay danta guud xeerineyso.
Hambalyo ayaan leeyahay 18ka, codkeygana waxan ku biirinayaa Xubnaha soo jeediyey in Wasiirka xilka laga fududeeyo, kuwa dib u garashada sameeyey, ogaada inaad dhaarateen, ayna idin ugaarsan doonto, danta gaarka ahna laga dhex heli mayo ta guud, eeta guud ayaa dhali karta ta gaarka ah.
Wasiirka oo runtii ah shaqsi aan xushmad weyn u hayo, aqoon-dheerna aan u leeyahay, kuna ogahay Somaalinimo iyo dal jacel dheeri ah, misana damiir fiican oo uu ku qaadan karo fashalka. Walaal, ( Wasiirka) xil, dhaliilaha aad ogtahay lagaaga soo jeediyey warbaahinta oo dhan horteedda, faham dhaawaca Siyaasadeed iyo Shaqsiyadeed ee kaa soo gaaray, oo qaado go’aan badbaado.
Waxan hubaa in taasi kor u qaadeyso mansabkaaga siyaasadeed, Bulsho, Somaalinimo iyo shaqsiyadeed, misana saaxadda Siyaasadeed ee Somaaliyana ku soo biirineyso go’aan Somalia ka ah (taboo) oo ah, in leyska soo celiyo mas’uuliyadda, mar haddii lagugu dhaliilo ama aad gudan weydo, mustaqbalkana lagugu aamini karo mas’uuliyad ka ballaaran ta aad hadda heyso.
Qormadii : Nuur Cilmi Xalane
Email: Warsan54@gmail.com