|

Wasiir Duur oo Warbaahinta Xorta Ah Far Kaga Gabbaday, Dhuumasho Dhabarku Muuqdana Kula Eertay Ta Dawliga Ah

Hargeysa April25,2013(SDN)-Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland maxamed Nuur Carraale Duur oo dhawaan ka soo laabta socdaal lagu turxaanbixinayey mushkiladii ka dhacday Deegaanka Gobolka Saraar, ayaa warbixinta hawshaa uu qaranka ugu maqnaa soo bandhigideeda kala muquurtay warbaahinta madaxa bannaan.

Wasiir Duur oo la hubo inaanu waxbadan oo ka baxsan arrimaha dhaqanka ee had iyo goor lagu turxaan bixiyo arrimaha noocan oo kale ah, ayaa isagoo arrintaa in si cad wax looga waydiiyo ka muruuranaya waxa uu si toos ah u door biday inuu si gaar ah warbixin loo dhigayo sida uu isagu (wasiirku)doonayo, islamarkaana dibadda ka ah wax su’aalo ah oolaga waydiyo waxa uu siiyey warbaahinta Dawladda oo kaliya.

Waxa uu wasiirku iska indho tiray dhinacna ka dhaafay xaqii iyo xuquuqdii ay warbaahinta madaxa bannaani ku lahayd inay wax ka waydiiso sida loo maareeyey shaqaaqadii Gobolkaa dhawaan ka dhacday, si bulshada oo arrintan il gaar ah ku eegaysay ay u hesho warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha xalka iyo cudur daarka uu wasiirku u hayo shacabka reer Somaliland.

Hase yeeshee waxa uu wasiirka oo ay ka muuqatay inaanu jawaabo lagu qanco ka haynin arrintii uu gacanta ku hayey iyo halka ay ilaa iyo haatan marayaan dhaqdhaqaaqyada lagu xallinayo arrinta ka dhacday Gobolka saraar ee lagu dilay Taliyihii Sirdoonka ee Gobolkaas oo xubno wasiirro ah oo Duur ka mid yahay ay in muddo ah mu maqnaayeen uu hadal u muuqday mid libin aanu lahayn oo odayaasha dhaqanku ku tallaabsadeen ku faanaya.

Talo gaaban oo aanu ka baaraan degin ka dib waxa uu wasiirku go’aansaday inuu u yeedho oo kaliya warbaahinta xukuumadda, islamarkaana uu dhinac ka dhaafo saxaafaddii madaxa bannaanayd si uu meesha ugu saaro su’aalo uu ogaa inuu ku hafan doono oo la xidhiidha waxa uu shacabka uu nabadgelyadooda masuulka ka yahay kaga qancinayo arrimaha nabadgelyada halista ku ah ee soo noqnoday tan iyo intii uu wasiir Duur qabtay mansabka wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Arrintan uu wasiir Duur ku khiyaamaynayo shacabka mudan in loo gudbiyo warar hufan oo xaqiiqda salka ku haya, ayaa ku noqonaysa dhuumasho dhabarku muuqdo oo uu naftiisa kaga dhaadhicinayo inay saxaafadda madaxa bannaani tahay mid waxa loo yeedhiyo ama loo sheego oo kaliya qoraysa, balse waxanu wasiirku ogayn inay saxaafaddu u baahan tahay inay shacabkeeda u gudbiso warar ay dhinac walba ka dhoobo qaaddayo oo aan mad madow ku jirin.

Sida la sheegayo waxa uu Hawlwadeenada warbaahinta dawladda wasiirku ka codsaday inay warkiisa oo lagu sheegi karo khudbad uu qof jeediyey, ay gaadhsiiyaan warbaahinta madaxa bannaan, waxase wasiirka seegtay inaanay shacabku geyin in dhagahooda loo sheego wax aan la Axadhin oo aan ilaa gunta la taaban.

Ugu dambayntii waxa looga fadhiyaa wasiir Duur iyo cidkasta oo amniga gacanta ku haysa inay shacabka hortooda keenaan wax ay kaga bogsadaan arrintii foosha xumayd ee ka dhacday magaalada Caynaba, iyadoo wasiirka si gaar ah looga sugayo inuu caddeeyo tallaabada uu ka qaadayo dadka qaranimada Burburinaya.

Wasiir Duur ayaa waxa kaliya ee ilaa Hadda uu warbaahinta Dawladda ka sheegay ay tahay wax kooban oo ay qabteen oday dhaqameedyada deegaankaasi oo ay ku qaboojiyeen cadhadii ka dhalatay dilkii dhacay, wasiirkuse ma uu caddayn wax awood dawladeed ah oo ilaa iyo hadda uu qaaday marka laga reebo arrimaha dhaqanka la xidhiidha oo uu si gaar ah libin uu soo hooyey uga dhigtay.

Dhinaca kale Md. Wasiir Waxa Qalinku Mar kale Ku Xasuusinayaa Maahmaahda Tidhaahda ‘dhagax meel dhaw buu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer” sidaas oo ay tahayna, xilliyadan oo kale waxa muhiim ah inaad xil iska saarto warbixinta lagaa sugayaa misaanka ay leedahay iyo sida loo danaynayo, isla markaana ay qayb uga tahay qaranimadeena, haddii kale waxa ay u muuqanaysaa ‘nin hullaab xumi inuu wax guntayo ayaa la moodaa’ sida ay maahmaahdaasi muujinayso, mararkan oo kale waa kala laba marxaladooda marka ay tahay arrimaha gudaheena iyo marka ay qaranimada tahay, sidaas la’ ajligeedna ma jirto sabab aad uga warwarto iyo sad aad ka qaado una kala xulato warbaahintii dalka oo waajibkeedii gudanaysa.

Labana kala daa oo marar badan waxaad ku cabatay meelo badana ka sheegtay in warbaahintu degdegayso oo aanay waxba hubsan cidna aanay wax weydiin, marka ay wax qorayaan, adigiina sidan baad u dhaqmaysaa ee goormaad saxsan tahay?.

SDN-Hargeya

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed