Wasiir Duur oo socdaal kedis ku tagey Jabuuti
Hargeysa, 04, May 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta socdaal aan kedis ugu kicitimay dalka Jbuuti.
Socdaalkan Wasiirka ayaa la sheegay inuu la xidhiihdho sidii uu wadahadal ugala yeelan lahaa dawladda Jabuuti0 wefti dalkaas u dhashay oo uu shalay Somaliland ka celiyay, kaasoo ay Dawladda Jabuuti ka cadhootay.
Inkasta oo aanay ilaa hada labada Dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti midkoodna aanu ka hadalay dhacdadii shalay Somaliland ku Celisay Wefti Heer Wasiir ah oo uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ka celiyay xuduuda labada Dale e Lawyacado, socdaalka Wasiir Duur ee maanta ayaa la flayaa inuu hordhac u yahay khilaaf Dublamaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex galay.
SDN, Hargeisa