Wasiir Duur oo Indho Adayg Ku Difaacay Aasaaska Urur Diimeedka Al-Islaax, IIDHEH-na u Sameeyay Qaab Dhismeedkiisa
Hargeysa-Sept 27,2012(SDN/Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa difaacay mabaa’diida urur-diimeedka Islaax, oo uu ku tilmaamay urur nabadeed diiniya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shalay hortegay Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, nabadgelyada iyo difaaca Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka jawaabay jiritaanka shir la sheegay inuu ururkaasi ku qabsaday magaalada Hargeysa, waxaannu sheegay inuu jiray qorshe ay kooxda Islaax doonayay inay shir isugu yimaadaan, haseyeeshee uu ka fashilmay oo aanay qabsoomin.
“Shir ma dhicin laakiin niman magaca sheeganayaa is yidhi shira, way isqabsadeen, kulan ay shaaciyeen muu jirin oo la ogaa, islaax maaha xarako hubaysan. anigu sidaan u aqaanno Islaax waa xarako islaamiya oo nabadeed.”ayuu yidhi Wasiir Duur.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo wax laga weydiiyay warar la xidhiidha inuu isagu ka tirsanyahay ururka Islaax iyo in kale, waxa uu sheegay inaanau ka tirsanayn, islamarkaana aanay jirin wax u diidi kara inuu ka mid noqdo, Sidoo kale Islaax yahay urur-diimeed aamisan mab’da siyaasadda iyo diinta “Macluumaadka aan ka hayaa waa inuu yahay urur dacwiya oo aan hubaysnayd, xataa haddaan ka tirsanahay sabab aan maya u idhaahdaa ma jirto, laakiin urur aan ka tirsanahay maaha. Is diidi maayaan inay urur siyaasi noqdaan, diinta iyo siyaasadu isma diidi karaan, iyagoo diintii sita bay geli karaan, wadaadku wuxuu xaq u leeyahay isagoo kitaabka sita inuu taladana ka qaybgalo.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxa uu mar kale ku celiyay in xukuummaddu cafis u fidin doonto dhallinyarada u dhalatay Somaliland ee ku jira ururka Al-shabaab, haddii ay isa soo dhiibaan. Waxana Su’aal Amuurtan laga weydiiyay uu kaga jawaabay, “Waxaan kula qabaa inaan Al-shabaab la fudaydsan mana fudaydsano, laakiin ninka dhalinyarta ah ee fikirka la galiyey in laga reebana way haboon tahay, markaa waan qabbaa in aanay fududayn, laakiin daawooyinka aynu isticmaalaynaa hal dawo uun maaha, shacabka ayaynu wacyi-galinaynaa, shacabka ayaynu baraynaa khatartooda, waxa kale oo aynu ka reebaynaa dhalinyarada loo yeedhayo, markaa anaga iyo caalamkuna ma fudaydsan karno, waana wax halisteeda leh.” Ayuu yidhi Mr. Duur. Xubnaha guddi hoosaadku waxa kale oo ay su’aaleen sababta ay ka wasiir ahaan iyo xubno kale oo mid ahi u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, iyo saamaynta ay ku yeelanayso Diblumaasiyaddii qaranka, waxana Md. Duur oo dhawaan si badheedh ah u sheegay inay xidhiidh ku lahaayeen doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu haddana xog warrankiisan ku dafiray tiraabtiisaa hore, “Madaxwaynaha Soomaliya kalmadihiisa ayaa la soo dhaweeyay, anaga ayaa saarnayna lama odhan, cid tidhina ma jirto, aniguna isma naqaano ayaan idhi.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Sidoo kale waxa la weydiiyay Su’aal u dhignayd sidan: “Wasiir waxa adiga iyo Maayar Caasimada la idinku xamanayaa inaad dadka danyarta ahaa ee caasimada aad ka qaylisiiseen oo aad danyartii buulasha yaryar carruurtooda ku biilinayey aad ka afrogteen idinka oo aan meelna u diyaarin, taasi maxaad uga fiirsan waydeen.?, waxa uu Wasiirku kaga jawaabay weydiintaas “Tallaabooyinka aanu qaadanaynaa maaha kuwa u gaar ah aniga iyo Maayarka ee waa tallaabooyin go’aan xukuumadeed ah, haddii madaarka la xadaynayo, haddii badhasaabka dad laga rarayo waa tallaabooyin dawladeed, laakiin aniga oo Wasaaradii arimaha gudaha ah waa xoogii waxan dhaqaajinayey, maayarkuna jaangoyntii, markaa labadayada ayaa ka muuqanee, laakiin waa tallaabo dawladu nagula socoto, imika oo kale xarunta badhasaabka ee ugu dambaysay ee dadka laga raray, waxa laga dhisayaa xarunta cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo xarunta wasaarada arimaha dibada, Duur iyo Jiciir islaamahooda gaysan maayaan, labadaa xaruumood in la dhisaana waa waajib dawli ah, markaa dan gaar ah maaha waxaanu wadnaa, maanta haddii aan dan gaar ah umadda danyarta ah ugu durduriyo ILAAHAY iyo Umadduba way I arkayaan.
S: Wasiir Baasaaboorkii Somaliya oo Hargeysa ka soo baxay ayaan hayaa, mar horena gacanta ayaad ku qabateen ee hadda maxaa isbedalay.?
J: Basaaboorka tirbada saddex jeer ayaanu qabanay, laakiin mushkilada jirtaa waxa weeye dhuumaalaysi-baa jira, imikana ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan meel kasta oo lagu arko baasaaboorka Somaliya inay qabtaan, laakiin wixii waa Online oo Macluumaadkii halkan-baa laga dirayaa, qofkiina waa Koombuutarkaa war-wareegaya, laakiin waa sidii Idaacadii HORYAAL oo kale, laakiin ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan inay qabtaan cidii samaynaysaba, golaha wasiirraduna waxbay iska waydiiyeen.”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com