|

Wasiir Cukuse Shalay Wasaaraddiisa ka Waayey Meel uu Fadhiisto, Dantuna Badday Goob Aanay Saxaafadda Madax Bannaani Geli Jirin

 

Hargeysa:25-Oct-2013 (SDN)- Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isagoo wasaaradiisa ku sugan waayey Goob uu Warbaahinta kula Hadlo, kadib markii uu la kulmay Xafiiskiisii oo xidhan.

 

cidlaWasiir Cukuse oo maalintii shalay warbaahinta u yeedhay, ayaa qaddar daqiiqado ah hortaagnaa xafiiskiisa gaarka ah, waxana ay taasi caddaynaysaa inaan shaqada wasaaradda warfaafintu si toolmoon u soconin, islamarkaana shaqaalaha wasaaraddu marka ay doonaan iska xidhan karaan xafiisyada ay masuulka ka yihiin.

Inta badan warbaahinta madaxa bannaan iyo midda xukuumadda iyo wasiir cukuse ayaa si wada jir ah wakhti ugu qaatay xafiiska gaarka ah wasiirka hortiisa, iyadoo guud ahaanba Xayndaabka wasaaradda laga waayey shakhsigii hayey furaha xafiiska, waxana lagu jirey mid ka mid ah saacadaha ay wasaaraddu ugu mashquulsan tahay ee hawlaheedu isa soo gaadhaan.

Wasiirka oo u jeeddadiisu ahayd inuu warbaahinta la hadlo, ayaa in badan shaqaalahiisa qaarkood oo goobtaas ku sugnaa ka dalbaday inay u yeedhaan qofka haya furaha xafiiska oo ka mid shaqaalaha wasaaradda, waxase lagu guul-darraystay in la helo, iyadoo markii dambe wasiirkii iyo warbaahintiiba ka dareereen xafiiska markii ay in muddo ah taagni ku qaateen.

Wasiirka ayaa markii uu waayey cid u furta xafiiska, waxa ku eertay tiyaatarka Tv-ga Qaranka ee lagu qabto Barnaamijyada waxana uu halkaas kula hadlay saxaafaddii iyadoo ay wajigiisa ka muuqato inaanu jeclaysan xidhnaanshaha xafiiskiisa gaarka. Xidhnaanshaha xafiiska gaarka ah ee wasiirka iyo maqnaanshaha shakhsiga furaha haya, ayaa dhammaantood waxa ay marag muuqda u yihiin in shaqada wasaaraddu tahay mid gaabis ah oo aan u soconin sidii loogu talo, iyadoo in muddo ahba shacabka ay ka imanaysay cabasho la xidhiidha dhinaca shaqada Telefishanka qaranka iyo Idaacadda oo awooddooda iskugu geeya shakhsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah.

Wasiir cukuse ayaa intii uu xafiiskiisu xidhnaa ee uu isaguna ku sugnaa wajahadda hore ee xafiiska, waxa uu isku dayey inuu Warbaahinta u fududaydiyo dhibta ay leedahay wasiir xafiis uu fadhiisto waayey, waxana uu muujiyey inuu ku jiro xaalad iska caadi ah, balse markii dambe ee uu ku dhex sugnaa hoolka Barnaamijyada ee Telefishanka qaranka, waxa muuqatay murugo la xidhiidha in xafiis la’aani u geysay inuu Goobtan ku hadlo.

Maqnaanshaha shakhsiga Gacanta ku haya furaha xafiiska wasiirka oo aanay Habboonayn inaanu halkan magaciisa ku sheegno, ayaa muujinaysa sida ay u luntay kala dambayntii hawlaha shaqo ee xafiisyada wasaaradda, waxana ay xidhnaanshaha xafiiska wasiirka oo isagu ballaysin u ah xafiisyada kale ee dawladdu ka markhaati yahay in kuwa kalena marka la doono si fudud la iskaga xidhi karo.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cukuse oo intii uu qabsaday jagada wasiirka warfaafinta aan wali ku tallaabsan wax horumar ah oo dhinaca shaqada ah, ayaa tanina waxa ay ku noqonaysaa shaabad dhinaca shaqoxumada ah, iyadoo habacsaantu si guud uga muuqatay wasaaradda iyo xafiisyadeedaba.

Sidoo kale wali waxa aan wax isbedel oo dhinaca tayada ah aan lagu haynin Idaacadda Radio Hargeysa oo laga dhigay mid meelo Badan Gaadha oo ay haatan dhegaystaan dhammaanba shacabka reer Somaliland, balse wali waxa ay taagan tahay halkii ay taagnayd xilligii aanay Halleeya dhaafi jirin.

Wasiirka ayaan sidoo kale waxba ka beddelin Hannaanka gaabiska ah ee Telefishanka Qaranka somaliand oo ka mid ah Hay’adaha lacagta ugu badan qaranku geliyo, balse shacabka dhaliilayo nidaamka uu wax u wado aan qaan-gaadh ahayn, islamarkaan shacacbku ka la’yihiin barnaammijyo iyo warar tayo leh oo u qalma lacagta qaranku u huray ee geliyey.

Telefishanka qaranka oo haatan Sate-lite-ka ku jira, ayaa ku guuldarraystay inuu soo Gudbiyo warar iyo Barnaamijyo dhexdhexaad ah oo ku salaysan aqoon, waxana kaliya laga fuudhyeelaa oo lagu buuxiyaa dad xukuumadda ammaanaya iyo kuwo aflegaaddo iyo cay ula jilba jooga axsaabta mucaaradka ah iyo shakhsiyaad kale oo dalkan haybad iyo sharaf ku leh. Sidoo kale idaacadda qaranka ayaa tan iyo intii la ballaadhiyey aan wax is beddel ah ku samaynin hannaankii ay wax u baahin jirtey, waxana haatan dadkii loogu talo galay markii ay ka waayeen wax tayo leh oo xaqiiqda ku salaysan ay u baydheen dhinaca idaacadaha ajaanibka ah oo ay si joogto ah u dhegaystaan.

Wasiirka ayaan wali ku dhawaaqin hannaanka uu shaqada wasaaradda u wadi doono, waxana uu ku mashquulsan yahay u jaawibadda cidda xukuumadda wax ka sheegta, iyadoo dayaca wasaaradiisuna yahay mid aan la dafiri Karin. Wasiir Cukuse oo caan ku ah u jawaabidda kooxaha mucaaridka ah,ayaa looga baahan yahay sida uu xariifka ugu yahay La Hadalka mucaaridka inuu dhug ugu yeesho shaqadiisa, waxana sidoo kale looga fadhiyaa inuu  shacabka iyo warbaahinta dawladda dhexdooda ka abuuro kalsooni iyo aaminaad, taas oo ah tallaabo ay adag tahay in la qaado, maadaama madaxda dawladdu ay dhammaantood ka siman yihiin in warbaahintoodu noqoto kaliya muraayad ay ammaantooda ka arkaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed