Wasiir Cukuse oo Tacsi u diray Laba Dr oo ku Geeriyooday Qaraxii Huteel Ampasador ee Muqdisho
Hargaysa 06.June 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, isagoo ku hadlaya afkiisa iyo ka wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxa uu tacsi u dirayaa Laba Dhakhtar oo ka tirsanaa wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kala ahaa Dr. Maxamed Faarax Diiriye, ahaana Madaxii Mashruuca RASP ee hay’adda AU-IBIR oo ku geeriyooday qaraxii lala eegtay Hotel Ambassador ee Muqdisho, Soomaaliya, iyo Dr. Cumar Cismaan oo ka mid ahaa dhakhaatiir wasaaradda oo isagu xanuun ugu geeriyooday, Togwajaale Jimcihii.
Wasiirku waxa uu tacsi gaara u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, asxaabtii, eheladii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen labadaa Dr, iyaga waxa uu alle uga baryayaa inuu naxariistii janada ka waraabiyo Amin Amin Amin.