Wasiir Cukuse Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Kaga Hadlay Khilaaf Uu U Hibeeyey Xisbiga Aanu Ku Abtirsan Ee Kulmiye Iyo Hoggaanka Xisbiga Oo Cadho Ka Muujiyey
Hargeysa:13-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse) ayaa madal xisbiga Kulmiye ku soo dhaweynayey Xildhibaanno ku soo Biirayey, waxa uu Hannaan aanu masuuliyaddiisa lahayn uga Hadlay khilaaf uu sheegay inuu xisbiga Kulmiye dhexyaalla.
Wasiir Cukuse oo aanu isagu Ab iyo Isir midna u lahayn taariikhdii dheerayd ee Xisbiga Kulmiye, ayaa madasha uga Hadlay qaab u ekaa sidii uu yahay madaxdii xisbiga, waxana uu canaan madaxa u saaray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku adkeeyey inuu Guddoomiyaha inuu Soo Ururiyo cid aan garanayn oo kala maqan, “Xisbiga Kulmiye Haddii uu Murmo wuu Heshiiyaa, inta yar ee Xaal xaalka ahna Abti Muusow dadka isu ururi,” ayuu yidhi wasiir Cukuse, waxana uu intaas ku daray oo uu soo Hadal qaaday khilaaf uu isagu Ogayahay oo ku dhex jira xisbiga Kulmiye, isagoo Madaxda Xisbiga ku Dhiirrigeliyey inay dadka kala saaraan, “ waxanu Leenahay, waar Galbeedku dhakhso iskuma dilo, Haddii uu is dilana dhakhso uma kala baxee, kala saara dadka Xisbigana isu soo dhaweeya oo isu Keena xisbiguna inuu midoobayo shaki kuma jiro.”
Wasiir Cukuse, ayaa sidoo kale isku soo Daray Ragga mus-dambeedka u ah xisbiga, waxana uu isku dhereriyey Wasiirrada Tunka weyn ee Lama taabtaanka ka ah xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee Duulista iyo Madaxtooyada, isagoo si toos ah dadkii goobta joogay ugu sheegay inay Raggaas uu macaabay xisbiga xagga dambe u fadhiyaan, waxana uu yidhi, “Xisbiga uu Muuse Guddoomiyihiisa yahay, Maxamed Kaahin ku-xigeenkiisa yahay, Talyanle saraakiisha ka mid yahay, Dee Xirsi , Maxamuud Xaashi iyo Aniguna waanu Noolahay xisbigana waynu isku dari doonaa.”
Waxa kale uu Intaas u dhaafay Hadalkiisa iyo faaqidaadda uu ku sameeyey Khilaafka xisbiga u dhexeeya oo aanay madaxdiisu jeclayn in rag aan meelna ka soo gelini madalaha la isku kaga geeraan inuu xataa Haweenkii goobta Fadhiyey Farriin u diro, isagoo qaar ka mid ah magacaabay kuna dhiirigeliyey inay Gurmad galaan, waxana uu yidhi, “Haweenkana waxan leeyahay Raggu marka ay Aaminaay Murmaan isu keena oo kaga xishoodsiiya.”
Hadalkan uu wasiir cukuse maalintii shalay ka jeediyey madashaas oo ay fadhiyeen Hogganka sare ee Xisbigu marka laga reebo, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Xaaji yuusuf waabeeye, ayaa si weyn uga cadhaysiiyey Madaxda Xisbigaa oo intii uu wasiirku hadalkan waday wajigooda laga dheehanayey sida ay ula yaaban yihiin sababta uu uga hadlayo arrimaha raggii masuulka ka ahaa goobjoog yihiin.
Guddoomiye Muuse oo halkaas fadhiyey ayaa la arkayey isagoo maxamed kaahin oo ay isku xigeen wax ka weydiinayey sababta wasiirka socod baradka ah ku kalliiftay inuu arrimaha xisbiga faraha la galo, iyadoo Maxamed Kaahin-na u muuqday nin arrinkaas Yaabka yaabkiis kaga jawaabay.
Wasiir Cukuse oo aan isagu meelna u soo marin arrimaha xisbiga Kulmiye, wax taariikh ah oo soo jireen ahna aan ku lahayn xisbiga iyo siyaasadiisa, ayaa Hadalkiisa laga dheehan karayey inuu ka dhex guuxayo tabashada Wasiir samaale oo goor hore laga fara-maroojiyey waaxdii uu xisbiga ku lahaa.
Sidoo kale waxa Wasiirka Hadalkiisa ka dhadhamaysay in madaxtooyada oo ka mid yahay wasiirrada aan inta badan ka bixin lagaga doodo oo lagu lafo guro calaacalka Wasiir samaale oo haatan laga warqabo inuu madaxweynaha ku mashquuliyey cabashooyin uu ka tirsanayo oo la xidhiidha Hankiisa siyaasadeed oo uu u arko in madaxtooyadu dhabarka ka jabisay.
Wasiirka warfaafinta ayaa isagu hannaan darjiidh ah carrabka ugu ballaadhiyey waxyaabo aan dadweynuhu ogayn waxana uu xisbiga ka dhigay mid is haysta oo khilaaf daran la tiicaya, balse Muuse oo Hadalka uga dambeeyey wax dabagal ah kuma samaynin Hadalkii wasiirka.
S.D.N