|

Wasiir Cukuse Oo Maareeyihii Telefishanka Dawladda Shaqadii ka Joojiyey, iyo Sababaha Keenay

Hargeysa-1-Dec-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse) ayaa oo in muddo ah safar waddanka kaga maqnaa ayaa goor dhaweyd shaqadii wasaaradaas ka joojiyey Maareeyihii Telefishanka qaranka  Khadar cali gaas.

 

gaas iyo cukuseWasiir Cukuse oo aan intii uu wasaarada joogayba ku qancasanayn nidaamka shaqo ee  Maareeye Gaas, ayaa haatan ku dhiirada inuu shaqadii ka joojiyo inkastoo uu maareeyuhu ku andacoon jirey inuu ka madax bannaan yahay wasiirka oo aanu  xukumin.

Khilaaf Muddo soo Taxnaa oo labada masuul u dhexeeyey ayaa maanta keenay Go’aankana wasiirka, waxana la sheegayaa in arrintan cusubi ka dhalatay Maareeyaha Telefishanka oo shaqaale cusub oo aan Imtixaan gelin ka Buuxiyey Wasaaradda, kuwaas oo uu lacag ka badan midda shaqaalaha imtixaanka ku soo baxay qaataan.

Maareeyaha Telefishanka ayaa markiiba ku cararay dhinaca madaxtooyada oo uu haatan madaxweynihii ka maqan yahay, waxana uu madaxweyne-ku-xigeenkii ugu tegay Huteel Mansoor oo uu kaga qayb gelayey Munaasibadda xuska AIDs-ka, issagoo si faahfaahsan ugaga warramay waxa uu wasiirkiisa ka tabanayo.

Wasiir Cukuse oo kalsooni badan naftiisa ka qaba  ayaa arrintan kaga jawaabay cabashooyin taxane noqday oo Maareeyaha shaqaaluhu ka sheeganayaan, waxana uu ugu dambayntii go’aansaday inuu amarkan soo saaro, waxana la filayaa in dhexdhexaadinta labadan masuul iyo gartoodaba la galo dhawaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed