Wasiir Cukuse oo maanta loo qaadayo Djabouti
Hargaysa,21,march,2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi-galinta JSL,Md.Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa maanta la filayaa in loo qaado dalka Jamuuriyadda Djabouti si la halkaa looga daaweeyo dhaawicii kasoo gaadhay Shilkii Baabuur ee isaga iyo Masuuliyiinta kale ku dhacay maalintii shalay.Sida ay Shabakadda Caalamiga ah Somalidiasporanews,u xaqiijiyeen goor dhawayd xubno ka mid ah Eheladda Wasiirku.
Ilaa hadda ma cadda in dhawaca Wasiirku Culusyahay,Taasina ay sababtay in wadanka dibadiisa loo qaado.
Dhinaca kale,waxaa Habeenkii xalay si aad ah ugu soo Qul-qulayay Cisbitaaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa dadweyne aad u tiro badan oo isku jira Saraakiil Dawladeed,Madax ka tirsan Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Guud ahaanba qeybaha Bulashadda oo Wasiirka ku soo booqanayay Cisbitaalka si ay ugu war helaan Xaaladiisa Caafimaad sida ay tahay.
Hargaysa,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com